Hargeysa(ANN)Damaashaadka Munaasibada 18 ka May ee sanad guurada 20 aad ee madax banaanida Somaliland ayaa caawa durba ka bilaabmay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan Caasimada oo sawaxanka gaadiidka iyo hugunka dhawaaqyada dadku is qabsadeen.ka dib

diyaargaraw socday labadii todobaad ee u danbeeyay.
Waxa meel walba ka baxaya iftiinka  Rashka loogu talagalay dabaal degyada sidoo kale waxa maqribnimadii bilaabantay Rasaas Nool oo kor loo riday, taas oo qayb ka ah  farxada Dabaal dega Madax banaanida Somaliland oo ku beegan subaxnimada.
Jidadka  badhtamaha magaaladda Hargeysa  iyo xaafadaha waxa ay dadku bilaabeen inay maraan,  iyagoo ku xardhan boodhadh ay ku xardheen  halku dhegyo kala duwan, isla markaana lulaya calanka Somaliland. Dhawaaqa heesaha munaasibadaa loogu talo galay ayaa ka baxaya goobo baddan iyo gaadiidka yar yar, iyadoo lagu xardhay calamo iyo Astaamo muujinaya Qaranimada Somaliland iyo geedi socodkii siyaasadeed ee ay soo martay qaranimada Somaliland.
Dhinaca kalena waxa aad loo xoojiyay Amaanka Magaalooyinka iyadoo ay Xukuumadda Somaliland soo saartay Amar ay ku joojinayaan isku socodka baabuurta laga bilaabo caawa 12 habeenimo ilaa beri duhurnimada, waxaana  lagu  amray wadayaasha Gaadiidka ka baxa magaaladu in aanay soo geli doonin wax gaadiid ahi laga bilaabo xiligaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *