Laascaanood(ANN)Guddoomiyahii Maxkamada gobolka Sool, isla markaana ahaa Gudoomiye Ku Xigeenkii oo si ku meelgaadh ah xilkaa u hayay markii 14 April la dilay gudoomiyihii maxkamadda gobolka Sool ayaa caawa caweyskii lagu dilay magaalada Laascaanood. Alla hawnaxariistee Marxuum
Maxamed Ibraahim Samatar ayaa toogasho lagu dilay ka dib markii niman hubaysan oo madaxa soo duubtay ay la beegsadeen tacshiirado rasaas ah, isagoo lugaynayay kuna sii socday gurigiisa.Falkaa waxa kale oo ku dhaawacmay nin rayid ah oo la socday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanku. Kooxda falkaa fulisay oo aan tiradooda la xaqiijin, isla markaana aan weli la aqoonsan ayaa baxsaday, waxaana halkaa wax yar ka dib yimi ciidanka amaanka, kuwaas oo baadigoobaya dadkii ka danbeeyay falkaa.
Dilkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay magaalada Laascaanood ku sugan yihiin wefti ka socda xukuumada Somaliland oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi gelinta Axmed Cabdi Xaabsade, isla markaana xubno ka yihiin Wasiirka ganacsiga iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka oo ka soo jeeda gobolkaasi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo halkaa u tegey qabanqaabada xuska 18 May oo si weyn loogu diyaargaroobayo dalka gudihiisa iyo debedaba
Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Marxuum Maxamed Saleebaan Abgaal ayaa 14-kii bishii April lagu dilay magaalada laascaanood waxaana xilkan si ku meel gaadh ah u sii hayay Guddoomiye Ku Xigeenkiisii oo caawa lagu dilay Laascaanood, kaas oo noqonaya masuulkii 16 ee lagu dilo magaalada Laascaanood labadii sannadood ee u danbeeyay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com