Hargeysa(ANN) Maxkamadda sare ee Somaliland oo si weyn loo adkeeyay amaankeeda ayaa maanta go,aan kasoo saartay dacwad ku saabsanayd muran u dhexeeyay laba garab oo mudooyinkii u danbeeyay muran iyo khilaaf caakirani u dhexeeyey, taas oo keentay inay labadaa dhinac u
gudbiyaan dacwadooda Maxkamadda sare si ay sharciga ugu kala baxaan.
Dacawadaa oo dhegeysigeedu Maxkamadda sare ka bilaabmay 25, August 2011, isla markaana markii ay dhegeysatay labada dhinac qareenada u doodaya iyo waxyaabaha ay ku dacwiyayaan maanta kasoo saartay go,aan xukun.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, “Markay aragtay Maxkamaddu waajib gudasho la,aan awoodaha soo jeedinata iyo ansixinta shirweynaha sadexaad ee xisbiga UCID. Sida ku cad qodobka 10aad xubintiisa sadexaad ee xeerka xisbiga UCID, taas oo sababtay inay soo baxaan laba go,aan oo is khilaafsan oo uu ka dhashay muranka dacwada Maxkamadda horyaal. Markay aragtay Maxkamaddu qodobada 10, 11, 13, 15, 16 ee xeerka iyo qaab dhismeedka Xisbiga UCID. Waxaa maxkamadda u cadaatay inaan labadaa go,aan ee kasoo kala baxay labada dhinac midna aanu usoo bixin qaab waafaqsan xeerka iyo nidaamka xisbiga UCID.
Waxa kaloo Maxkamadda u cadaatay inay dhinacyadu ku xadgudbeen awoodihii sharci ee shirweynuhu lahaa. Markay aragatay qoraal ku taariikhaysan 1 sep, 2011, kaas oo ujeedadiisu ahayd codsi qabasho fadhi iyo ogolaansho soo gudbin cadaymo ee uu maxkamadda usoo gudbiyay qareenka dacwoodayaasha, isla markaana ay Maxkamadda u cadaatay inay galka ay haysato ku jiraan cadaymo ku filan oo Maxkamaddu ku go,aan qaadan karto, isla markaana aanay jirin wax baahiya oo Maxkamaddu uga baahatay iftiimin la xidhiidha doodohooda.
Markay Maxkamaddu ku qanacday in labada go,aan ee aan kor kusoo sheegay ka horyimaadeen xeerka iyo shaqasiyada qaanuun ee xisbiga UCID. Sidaa darteed Maxkamaddu waxay soo saartay go,aankan.
Go,aanka Maxkamadda
Waxay Maxkamaddu diiday dacwoodayaasha dhinaca isku magcaabay hogaanka Xisbiga UCID ee ku taariikhaysnaa 4 August 2011. Waxaa la diiday jawaab celinta dhinaca dacweysanaha ee ku taariikhaysnaa , 21 August 2011. Waxaa la tirtiray go,aanka sumadiisu tahay UCID 629/20011, kaas oo ku taariikhaysan 14 July 2011, kana soo baxay xubno isku sheegay inay yihiin gudida fulinta xisbiga UCID. Waxa kaloo la diiday go,aanka aan sumada lahayn ee ku taariikhaysan 27 July 2011, laguna sheegay inuu yahay go,aamadii kasoo baxay shirweynihii sadexaad laguna sheegay in lagu doortay guddi sii wada xisbiga inta laga gaadhayo doorashooyinka dawladaha Hoose iyo shirweynaha sadexaad ee xisbiga.
Waxay maxkamaddu go,aamisay in dhamaan Hay’addaha xisbiga UCID ee lagu doortay shirweynihii labaad ee xisbiga 27 Jun 2006, ay yihiin muda dhaaf, jiritaanka xaaladooda qaanuuna ay tahay mid ku meelgaadh ah, inta laga qabanayo shirweynaha sadexaad ee xisbiga UCID.
Waxay maxkamaddu go,aamisay in shirweynaha sadexaad ee xisbiga UCID la qabto, laguna qabto mudo saddex bilood gudohood ah oo ka bilaabmay maanta oo ay maxkamaddu ku dhawaaqday go,aankan, wuxuuna shirweynuhu ka koobnaanayaa xubnihii ka qaybgalay shirweynhii labaad ee xisbiga inta ka Nool, qaban qaabada shirweynahana waxa loo raacayaa xeerka xisbiga.
Maxkamaddu waxay ku amartay in golaha dhexe iyo xubnaha gudida fulintu gutaan waajibaadyadooda ku aadan qabanqaabada shirweynaha sadexaad ee xisbiga si loo ilaaliyo loona badbaadiyo jiritaanka sharciyada qaanuuneed ee xsibiga UCID. Wax kharash ah dhinacna looma soo qaadin maadaama Maxkamaddu doodii labada dhinacba, aqbashayna jiritaanka xeerka xisbiga UCUD, go,aankani wuxuu soo baxay maanta oo Taariikhdu tahay 11 Sep, 2011. Maxkamaduna waa xidhantahay ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali oo go,aankaa kaga dhawaaqayay Maxkamadda horteeda.
Dhinaca kale jidadka soo gala ama hareeraha ka mara dhismaha Maxkamadda sare ayaa saaka la xidhay iyadoo aan loo ogolayn gaadiidka, waxaana gudaha iyo debeda Maxkamadda la keenay ciidamo Boolis ah, kuwaas oo amaanka ilaalinayay, waxaana dhegeysiga dacwada loo ogolaaday tiro ka mid ah labada dhinac ee dacwadu ka dhaxaysay oo liis lagu qoray magacyadooda iyo suxufiyiinta ka socday warbaahinta dalka iee gudaha iyo debedaba. Iyadoo ku dhowaad laba saacadood ka dib markii la sugayay go,aankaa ay soo galeen garsoorayaasha Maxkamadda sare oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha maxkamadda sare
sidaana kaga dhawaaqay go,aanka Maxkamadda horteeda oo labada dhinacba ku sugayeen go,aanka kasoo baxa.
Markii go,aanka Maxkamadda lagu dhawaaqay, waxa labada dhinacba la weydiiyay aragtidooda iyo inay ku qanacsan yihiin. Xoghayaha Arrimaha Gudaha, iyo Xidhiidhka Gobolada Mudane Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) Oo ka mid ah Garabka Sida tooska ah u Taageersanaa Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Sheegay inay dhankooda ku faraxsan yihiin, isla markaana uu soo dhowaynayo Go,aanka Maxakamadda, wuxuuna dacwada ay Maxkamaddu qaadey ku tilmaamay inay u dhacsay si sharci ah, sidaa awgeed ay maxakamaddu ku taalbasatay hanaan Sharciga waafaqsan, yidhi “ Waxaanu diyaar u nahay oo aanu soo dhaweenaynaa Go,aanka saxda ah ee ay ku talaabsatay Maxkamadda Sarre, oo ah kii rasmiga ahaa ee Sharciga ahaa, waana mid soo afjaray wixii garabyada aad ku sheegi jirteen.”
Hase yeeshee Aadan Mire Waqaf oo hogaaminayay garabka aan iyagu ku farxin go’aankaa oo la weydiiyay waxa ay yeelayaan iyo aragtidooda ayaa ku dooday inay talo isula noqonayaan wixii ay yeeli lahaayeen iyo halka ay u jihaysanayaan, isagoo yidhi, “Go,aanku isga oo ixtiraamkiisa leh Garab ahaan Anagu, Gudoomiyihii horre Miis Soo wadda fadhiisan mayno, kuna wadda Gorfeyn mayno Mustaqabalka Xisbiga, Waxa aanu Samaysanaynaa Qorshe Cusub, Taas weeye Ta aanu ku Hawl galaynaa, Markaa waxa aanu Qaban Doonaa Shirkaas ayaydin ku ogaan doontaan wax ka soo baxa,.
Si kastaba ha ahaatee Khilaafkaa oo meel adag gaadhay ayaa ka dhex qaraxay Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ka dib markii Bishii July ee Sanadkan ay Garabka uu hugaamiyo Waqaf uu xukun ku in qilaabey Garabka Faysal Cali waraabe, taas oo sababatay muran Siyaasadeed oo xooggan, waxana ay labadda garab isla dhaafi waayeen Awoodaha Siyaasadeed ee Xisbiga, waxana uu mid kastaa soo cuskadey Sharciga iyo Qaynuunka Xisbiga u yaal oo uu talaabooyinka uu qaadayay ku dabakhayay, waxaana marar baddan laysku deyay in dhexdhexaadin laga sameeyo muranka labadaa garab, iyadoo xalinta khilaafkaa galeen dad kale duwan oo isgu jirra Xisbiyadda Qaranka , Siyaasyiin Madaxbanaan, Aqoonyahano, Waayeel, iyo waliba wax garad kale, kuwaas oo Ergooyin loogu direy Xisbiga Ucid, si ay u soo damiyaan Khilaafka Siyaasadeed ee ka aloosmay Hogaanka Sarre ee Xisbiga, balse Labadda Dhinac ayaa iska moosay inay u dhag nuglaadaan dadkii hawshaa waday.
Waxaana ugu danbayntii labada dhinac murankooda u jiheeyeen dhinaca hay’addaha garsoorka, iyadaa sidaa ay dacwadohooda ugu gudbiyeen Maxkamadda Sarre ee Somaliland, taas oo ay Natiijadeeda ku dhawaaqdey Maxkamaddu Maanta, waxana ay maxakamadu sheegaty in Gudoomiyaha Sharciga ah ee Xisbiga Ucid yahay Eng Faysal Cali Waraabe oo ahaa gudoomiyihii shirweynihii ugu danbeeyay ee xisbiga oo ahaa kii labaad lagu doortay dhawr sanadood ka hor, balse mudo sadex bilood ah lagu qabto shirweynihii sadexaad ee xisbiga.
Balse kooxda ay hogaamiyaan Aadan Waqaf iyo gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Ciro ayaa dareenka go,aankaa maxkamadda ka dib ku muujiyay in aanay mar danbe isku soo laabanayn Faysal oo hada ay qorshe cusub iyo istiraatiijiyad siyaasadeed oo cusub samaysanayaan. Kooxdaa lagu tilmaamo labeentii xisbiga UCID, waxa qaar ka mid ah hogaankooda laga soo xigtay inay Urur cusub oo siyaasadeed furaanayaan oo go’aankoodu dhawaaqa maxkamadda ka horba meel u yaalay, waxayna dadka arrimaha siyaasada ku tilmaameen inay kooxdaa oo haysata maanta fursad ay xiligan ku tartamaan Urur cusub oo siyaasadeed maadaama la fasaxay furitaanka Ururada siyaasadu muujinay mustaqbal siyaasadeed oo dhinacooda ah, basle ka bixitaankooda raggaa oo ahaa hogaankii sare ee xisbiga UCID ay dhinaca kale calaamatu su’aal saaray inuu saaxada xisbiyada qaranka kusii jiro xisbiga UCID oo hada loo meel mariyay hogaankiisii hore Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay ku dhaliilayeen inuu hangool la hortaagnaa xisbigaa tan markii lagu dhawaaqay sagaal sanadood ka hor, isla markaana diiday in mustaqbal siyaasadeed uu yeesho xisbigu, si taas loom eel mariyana ay lagama maarmaan noqotay inuu ka baydho albaabka, taas oo sabab u ahayd muranka isaga iyo saaxiibadii mudo dheer ay halgan siyaasadeed kusoo wada jireen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com