Adis-ababa(ANN)Raysal wasaarihii dalka Itoobiya Males Zanawi, ayaa la shaaciyay inuu ku geeriyooday dalka Belgam, kadib markii uu mudo ku dhow laba bilood uga maqnaa dalkiisa xaalad caafimaad, waxaana mudo yar ka dib laga dayriyay xaalada Males oo warbaahinta dunida

qaarkood qoreen inuu geeriyooday. laakiin dawlada Ethiopia ayaa beenisay warkaa, isla markaana sheegtay inuu dalka ku laabanayo oo xaaladiisa caafimaad wanaagsantahay.
hase yeeshe saaka ayay soo baxday geerida Males. kadib markii uu shaaciyay Afhayeen u hadlay dawladda Ethiopia oo lagu magcaabo Mr. Simon, ayaa sheegay in uu Males xanuunsanayay muddo bil ah oo
lagaga daaweynayay caloosha Cusbitaal ku yaalla dalka Belgium. Mr Simon waxa uu sheegay in aanay jiri doonin wax doorasho mudada u hadhay xukuumadana uu xilka sii haynayo ku xigeenkiisa Hailemariam Desalegn ilaa laga gaadhayo 2015, taas sida sharciga dalku dhigayo ku xigeenkiisii Baarlamaanku u ansixinayaan Raysal wasaare ilaa doorashooyinka laga gaadhayo 2015.

Mr Meles waxa uu awoodda dalka qabsaday sanadkii 1991.kadib markii jabhadii uu hogaaminayay meesha ka saartay taliskii Mingiste, wuxuuna ahaa hogaamiyayaasha ka dhexmuuqda siyaasada gobolka, isagoo ku gacansaydhay soo jeedinta reer galbeedka ay saaxiibada yihiin ee inuu sameeyo dumuqraadiyad fur-furan iyo ganacsi xor ah, taas oo uu u arkayay inaanay dalkiisa oo qowmiyado kala dhaqan iyo xadaarad duwan dani ugu jirin. sidoo kalena uu ka cabsi qabay in qowmiyada uu kasoo jeedaa aanay talada sii haysanayn haddii uu fuliyo labadaa qodob, maadaama ay yihiin kuwo ugu tirada yar, waxayna taasi sababtay inay dadka iyo hay”addaha xuquuqda aadamaha ee caalamiga ah si weyn ugu cambaareeyaan inuu ku tuntay xuquuqda aadanaha.

hase yeeshee wuxuu dalka Ethiopia si weyn wax uga bedelay dhinaca dib u dhiska iyo horumarka dhaqaalaha, balse kuwa kasoo jeeda qowmiyadaha mudada dheer ka talinayay dalka iyo taageerayaasha Ethiopi, waxyaabaha ay sida weyn uga dhaliilaan waxa  ka mid ah ogolaanshaha uu 1991 ku aqbalay inay Erateria ka godo dalka intiisa kale, iyadoo labada dal ee Ethiopia iyo  Eritrea  dagaal weyn oo khasaare badan dhaliyay dhexmaray sanadkii 1998, isla markaana weli colaada u dhaxaysa aan dunidu wax xal ah u helin, waana sababta dhalisay inuu go’aanka uu ku ogolaaday inay ka godo Eretreia  jawaab ay ku qancaan u wayaay.
Males waxa uu dhintay isagoo 57 Jit ah, wuxuuna ahaa hogaamiye siyaasada mandaqada geeska afrika ku lahaa door weyn, isla markaana saamayn ku lahaa, isagoo mudadii uu dalka Ethiopia ka talinayay safka hore kaga jiray wadamada siyaasada Somalia 21 sanadood oo ay jaahwareer ku jirtay door ku lahaa.
Males, waxay kuwa aqoonta u lahaa ku tilmaameen hogaamiye fir-fircoon inuu ahaa. laakiin madax adag, isla markaana dabeecadiisa aan si dhab ah loo fahmi jirin oo aan weligii la arag isagoo qoslaya, wuxuu  muda dheer ku noolaa dalka somalia. kadib markii uu ku biiray jabhadii kasoo horjeeday taliskii uu xukunka ka tuuray 1991. Males, dalka Somalia ciidamo u diray 2006, kuwaas oo galay taariikhda markii u horaysay gudaha Somalia. kadib markii ay meesha ka saareen maxkamadihii Islaamiga ahaa ee muudada kooban ka talinayay magaalada Muqdisho iyo inta badan Koonfurta somalia.
laakiin khasaare badan oo kasoo gaadhay ciidamadiisa ka dib ayuu dib ugala baxay Somalia 2007, balse mar kale ayuu dib ugu celiyay ciidamo kooban Somalia sanadkii 2006. kuwaas oo uu sheegay inay la dagaalamayaan kooxda Al-shabaab oo gacanta ku haysay magaalada Muqdisho iyo inta badan Somalia.

Dhinaca kale Males Zanawi iyo xukuumadiisa ayaa xidhiidh iyo cilaaqaad wanaagsan la lahaa dalka Somaliland, iyadoo labada wadan uu u dhaxeeyay xidhiidh iskaashi balaadhan oo ku wajahahan Ganacsiga, Nabadgelyada iyo la dagaalanka Argagixisadda, taas oo sababtay inay Ethiopia  muddo dheer Magaaladda Hargeysa ku yeelato welina ku leedahay qunsuliyad qabata dhamaan hawlihii safaarada, iyadoo taa bedelkeeda Somaliland xafiis hawshiisu tahay safaarad ku lahayd magaaladda Addis-ababa tan iyo 1991-kii, kaas oo hore u ahaan jiray mid ay xiligii halganka isticmaalaaan Ururkii SNM.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *