Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay geerida Raysal wasaarihii Itoobiya Males Zanawi, kaas oo uu ku tilmaamay Hoggaamiye weyn oo ka baxay dalalka Mandaqada geeska iyo Afrika guud ahaanba. wuxuuna

 

dhambaal Tacsi ah u diray shacbiga iyo dawladda Itoobiya, isagoo sheegay inay Somaliland ka xun tahay geerida naxdinta leh ee ku timi Raysal wasaare Males Zanawi oo saaka waabarigii la shaaciyay inuu ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka debediisa.

“Waxaan dalka Itoobiya iyo wadamada geeska afrika caam ahaan uga tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Raysal wasaare Males Zanawi oo ahaa nin aad iyo aad u ah madax sare oo Geeska Afrika iyo Afrikaba door weyn ku leh xagga Nabad-gelyadda. Itoobiyana waxay ahayd xarunta Midowga Afrika oo dhan,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo tilmaamaya Zanawi wuxuu yidhi, “Wuxuu ahaa Hoggaamiye aad u qiimo badan oo aad iyo aad u ilaaliya nabad-gelyadda mandaqada Geeska Afrika. Geeridaasi waa mid naxdin leh, waxaanu uga tacsiyaydeynaynaa dadweynaha Geeska Afrika iyo Afrika caam ahaanba. Aad iyo aad ayaanu uga tacsiyadeynaynaa.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxa kale oo uu ka hadlay cilaaqaadka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, isagoo  yidhi,  “Itoobiya aad iyo aad ayay iskugu wanaagsanaayeen Somaliland illaa xiligii halganka. Itoobiya waa dalka ugu balaadhan Geeska Afrika. Somaliland iyo Dalkeeda mar walba waxay ahaayeen Itoobiya waxay ahaayeen labada dal oo mar walba wax iskaga xidhnaayeen. Mar walba wada shaqaynta Nabadgelyada, Ganacsiga iyo xagga horumarka way isku xidhnaayeen Somaliland iyo Itoobiya. Waana laba dal oo aan marnaba sina u kala maarmaynin.”

“Waanu ka xun nahay geeridda Males Zanawi, waanan ka tacsiyadeynaynaa Itoobiya, waanan balan qaadaynaa inaanu xidhiidhkii wanaagsanaa ee labada dal ka dhaxeeyay inuu sidiisii u sii socon doono,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
wuxuuna intaa ku daray inay Somaliland aaska raysal wasaarihii hore ee Itoobiya kaga qeyb geli doonaan heerka ugu sareeya, isla markaana
waxa uu sheegay inuu saxeexay  buug tacsi ah oo ay Xukuumaddu ka furtay Hargeysa.

sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa saaka subaxnimadii Tacsi ugu tegey xafiiska dawlada Ethiopia ee Hargeysa, isagoo uga tacsiyadeeyay geeridaa  shacbiga iyo xukuumadda Ethiopia.   Males Zanawi oo ku geeriyooday Dalka Biljum isagoo 57 Jir ah, waxa uu tallada dalka hayay illaa 1991-kii. Waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa siyaasi miisaan ku leh gedi socodka siyaasadda ee dalalka mandaqada geeska afrika.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *