Gebilay(ANN) Natiijada doorashada golaha deegaanka Gebilay ayaa si qarsoodi ah loo shaaciyay caawa saacadihii danbe. sida ay shebekada wararka ee araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah hawlwadeenada komishanka gebilay, waxa natiijada oo galabta

 

lagu dhawaaqi lahaa hakiyay muran ka dhashay xildhibaanada soo baxay iyo tirada kuraasta ay kala heleen Ururadu, iyadoo ay boqolaal qof oo ka dhursugayay natiijada ay culays ku hayeen gudida doorashooyinka ee  gebilay, balse caawa saacadihii danbe ayaa loo yeedhay telefishanka qaranka oo ay komishanku natiijada ka sheegeen, isla markaana u qorsheeyeen in subaxnimada la sii daayo oo la baahiyo warkaa.
tirada kuraasta degmada gabilay ee hordhaca ah ayaa noqonay sidan:- 
Kulmiye wuxuu helay  7 kursi
WADDANI, wuxuu helay 4 kursi
UCID, wuxuu helay 4 kursi
Rays wuxuu helay 2 kursi
Xaqsoor, wuxuu helay  1  kursi , Dalsan wuxuu helay 2 kursi, Ururka UMMADDA 1 kursi.

 

Natiijada Degmada gebilay oo ay maanta si rasmi ah u shaaciyeen Komishanka doorashooyinka deegaanka gebilay, waxay shebekada Araweelonews si hordhac ah u baahisay xalay saqdii dhexe, balse waxaanu raacinay natiijada Liiska Magacyada oo aan waxba ka bedelin natiijadii aanu hore u baainay, waxayna  magacyada 21 xildhibaan kala yihiin sidan:-

Kulmiye

1- C/Qaadir Maxamed Faarax
2- Cabdi Ciidle Cali
3- Cibaado Maax Cilmi
4- Shucayb Maxamed Muuse
5- Cali Maxamed Sh,. Saleebaan
6- Max’ed Amiin Cali ALaalle
7- Dr. Axmed Cali Maxamed

UCID

1- Cumar Cali Obsiiye
2- Maxamed-amiin Cumar Cabdi
3- Caydaruus Cabdilaahi Sheedaal
4- Mahdi Maxamed Xaashi

WADDANI

1- Xasan Axmed Maxamed
2- Cali Maxamuud ismaaciil
3- Iid Xasan Cabdi
4- C/Casiis Cabdilaahi ismaaciil

DALSAN

1- Cali Axmed Yuusuf
2- Mustafe Sayid Abokor

RAYS

1- C/Samad Sh. Aadan Ammiin
2- Axmed Siciid Kibaar

XAQSOOR

1- Nimco Axmed Cabdi

UMMADDA

1- Cabdi Yuusuf Daahir

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *