An injured Kenyan receiving medical treatment after an explosion in Nairobi (file photo)Nairobi(ANN)Qarax weyn oo sababay inay ku nafwaayaan in ka baddan toboan qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 3o qof, ayaa maanta duhurkii ka dhacay xarunta dalka Kenya ee Nairobi. Kadib markii dukaan weyn oo ku yaala suuqa dukaamada ganacsiga badhtamaha Narirobi uu ka

 

dhacay qaraxaasi.
Qaraxaa ayaa wararkii hordhaca ahaa wax yar ka dib markii uu dhacay, waxay sheegeen inuu ahaa mid ay  sababtay  korontada Laydhka, balse  Raysal wasaaraha Kenya Raila Odinga, ayaa sheegay inay ka danbeeyeen kooxda Al-shabaab ee Somalia oo xidhiidh la leh Al-qaida.
Dhinaca kale dad goobta ka dhowaa, ayaa sheegay in la rumaysan yahay in qof aan la aqoonsan uu dukaanka dhigay balaastik ay ku jiraan waxyaabaha qarxaa, isla markaana uu sabab u ahaa qaraxa qofkaa goobta dukaanka galay. Dhawr Qarax ayaa ka dhacay dalka Kenya tan iyo intii ay ciidamada dalka Kenya galeen gudaha Somalia dabayaaqadii sanadkii hore, kuwaas oo sheegay inay Al-shabaab ka xoraynayaan Somalia, balse Al-shabaab ayaa iyadu dhinaceeda balanqaaday inay qaraxyo iyo weeraro ka fulinayaan Kenya oo aanay nabad ahaanayn.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *