Hargeysa(ANN) Khilaafka garabyada xisbiga UDUB ayaa cirka isku shareeyay. Kadib Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha Guddida fulinta ee UDUB oo ku qabsoomay Huteelka Crown ee magaaladda Hargeysa, kaas oo ay sheegeen inay ku doorteen in uu musharaxa Madaxweynenimo ee
Doorashada soo socota noqdo Jamaal Cali Xuseen.
Xubnaha guddida fulinta oo beryahanba kulamo isdaba-joog ahi uga socdeen magaaladda Hargeysa oo ay ku kala reebayeen musharaxiinta u tartami doona jagada Madaxweynenimo ee doorashada soo socota, taas oo ay shuruud ugu dhigeen inuu noqdo Nin bixin kara lacag qadarkeedu yahay $ 300,000 (sadex boqol oo kun) oo dollar. kadib markii ay isla garteen in la helo lacag lagu galo Ololaha Doorashada Dawladaha hoose oo bisha April qabsoomaysa ayay saaka Cod u qaadeen waxaana 22 ka mid ahi u codeeyeen Jamaal Cali Xuseen, waxaana ka aamusay guddoomiye ku xigeen Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo xubno la sheegay inay tiradoodu tahay toban oo ka mid ah xubnaha Guddida fulinta ka maqnaayeen.
Khilaaf ayaa ka dhashay arrintaa, iyadoo aanay goobta kasoo xaadirin Cali Maxamed Warancade oo ka mid ahaa musharixiinta, kaas oo shalay saxaafada u sheegay inaanay aqbalayn qaabka uu hawshaa musharixiinta u wado Axmed Yuusuf Yaasiin, sidaa awgeed ay qaylo u dirteen gudoomiyihii xisbiga UDUB. Daahir Rayaale Kaahin.
Markii uu soo baxay waraka garab ka mid ah garabyada ay u qaybasmeen gudida fulinta ee kulankaa ku doortay Musharaxa Jamaal Cali Xuseen waxay Ku-simaha Xoghayaha Guud iyo Xubno ay ka mid yihiin Cali Warancade oo ganafka ku dhiftay arrintaa shir jaraa’id ku qabteen maanta Xarunta Xisbiga UDUB, kuwaas oo qaadacay Doorashada Garab ka mid ah Xisbiga UDUB, iyagoo sheegay in aanay aqbalay Musharaxa Madaxweynenimo Jamaal Cali Xuseen, taas oo ay sheegeen inay ku koobantahay keliya kooxdaa oo aanu kooramkii buuxin ee aanay ahayn arrin u taala xisbiga UDUB.
Dhinaca kale Gudoomiyihii xisbigaa Daahir Rayaale kaahin oo dalka ka maqan ayaa qoraal uu soo diray oo ku socodsiiyay ku simaha Axmed Yuusuf Yaasiin iyo gudida fulinta ku sheegay in la laalay tartanka musharxnimada, taas oo uu sabab uga dhigay khilaafka ka taagan oo uu sheegay inuu yahay mid xisbiga sii kala fogaynaya. sidaa awgeed uu go’aansaday inuu laalo tartankaa oo aanay waxba ka jirin, isagoo qoraalkiisa ku sheegay in la qabanayo tartanka musharxnimada kadib doorashooyinka golayaasha deegaanka oo ka gudoomiye ahaan uu goob joog ka ahaanayo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com