Hargeysa(ANN)Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland,ayaa sheegtay inay dedaal ugu jirto sidii ay u badbaadin lahayd muwaadiniinta reer Somaliland ee ku go’doonsan dalka Liibiya, isla markaana ugu baaqday dadka ku sugan Libya ama eheladoodu inay sida ugu dhaqsaha

baddan ula soo xidhiidhaan.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibada oo u dhignaa sidan:-“Wasaaradda Arrimaha Dibeddu iyada oo kaashanaysa Hay’adaha qaranka ee Somaliland iyo Hay’adda caalamiga ah ee IOM waxay dadaal xoog leh ugu jirta sidii gurmad aadaminimo loogu fidin lahaa dadka reer Somaliland ee ku go’doosan Dalka Liibya.
Si haddaba aanu u helno xogta dadka reer Somaliland ee ku go’doosan Liibya    waxaan  codsanayna  in  dadkaasi ama ehelkoodu  si joogto ah noogala soo xidhiidhaan halkan. Cumar Rooble Cidheere E mail crcidheere@hotmail.com Tel: 4106861, Fahmi Qaasim MaxamedE mail Fqasim@somalilandforeign.net Tel: 4424925.”
Dhinaca kale warar dheeraad ah oo ay shebekada wararka Araweelonews ka heshay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha debeda Somaliland ayaa sheegaya in ilaa hada muwaadiniinta Somaliland eek u go,doonsan dalka Libya tiradoodu tahay 30 qof, kuwaas oo ku sugan xarunta Tripoli, balse sarkaalkaa ayaa xusay inay jiraan dad kale oo ku go’doonsan xuduuda Libya iyo Tunisia. Sarkaalkaa ayaa sheegay inuu socon waayay oo uu fashilmay qorshe ay dawladda taagta daran ee Somalia kaga  dalbatay  jaamacadda carabta in dadka Soomaalida eek u xayiran halkaa la geeyo dal carbeed, taas oo ay aqbashay dawladda Soodaan, balse sida uu sheegay fashilmay oo 30-kii qof ee ugu horeeyay ee lasoo qaaday ku xaniban yihiin xudduuda u dhaxaysa Soodaan iyo Masar.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@raweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *