Hargeysa (ANN)Aadan Jaamac Furre oo ah ganacasade u dhashay Somaliland ayaa maxakamadda gobolka Hargaysa u gudibiyey dacwad ka dhan ah xoghaya xisbida Udub Jaamac Yaasin Faarax. sida lagu daabacay warkayska geeska africa waxay dacwada ninka ganacsadaha ahi kusoo oogay xoghaya guud ee xisbiga UDUB la xidhiidhaa aduun lacageed oo uu xoghayuhu ka qaatay xiligii Ololaha doorashada,
isagoo ku dacwiyaya inuu ka qaatay lacag dhan $35000 (shan iyo sodon kun) oo dollar, taas oo wakhtigii kaanbeynka doorashada madaxtooyada laga amaahday.
arrintan ayaa iloo xog ogaal ahi waxay wargayska geeska u xaqiijiyeen in wasiiro dadaal kaga jiraan si lacagtaa loogu aqoonsado mid ku baxday xisbiga, isla markaana lagu leeyahay xisbiga UDUB. Laakiin aan si gaara xogahayaha loogu lahayn.
Wasiiradaa oo sida wararka arrintaa la xidhiidhaa sheegayeen inay doonayaan in lacagtaa laga soo saxeexo madaxweynaha talada ka sii degaya Daahir Rayaale, isla markaana dacwada laga baajiyo xogahayaha guud ee xisbiga laga guulaystay ee UDUB (jaamac Jug soo dhacay) , xubnaha wasiirada ee dedaalka ugu jira in maxkamad laga badbaadiyo arrintaa ayaa tibaaxaha la xidhiidhaa xuseen inay ka mid yihiin wasiirka duulista iyo gaadiidka cirka Cali Maxamed Warancadde, iyadoo ay jiraan inay wasiiro iyo odayaal kale arrinta kaga jiraan dadaal wayn sidii loo dhamayn lahaa.
ilaa hadda waxa jawaab ah kama soo bixin xoghayaha Udub sida ay wax u jiraan dacwadaa, isla markaana wargayska ayaa sheegay inuu isku dayey inay la xidhiidhaan xoghaya UDUB, balse waxay xuseen in aanay u suurta gelin.
source: wargayska geeska africa