photo

Addis Ababa(ANN)M adaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii u horaysay kulan taariikhi ah kula   yeeshay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia  Wasiirka Arrimaha dibada Dalka Britain William Jeffer Hagu oo maanta socdaal

 

qaatay muddo shan saacadood ah ku yimid dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Ingiriisku waxay ka wada hadleen sidii loo sii balaadhin lahaa iskaashiga iyo wax wada-qabsiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska.
Waxa kale oo ay iska xog waraysteen xaalada nabadgelyo ee mandaqada Geeska afirka iyo sidii ay Somaliland door muhiim ah uga qaadan lahayd xasilinta gobolka qalalaasuhu hadheeyay.

 

photo

Madaxweynaha Somaliland sida ay shegayaan wararku waxa uu kale oo uu Wasiirka Arrimaha dibada ee Ingiriiska ka dalbaday in dalkiisu kaalin ka geysto sidii Somaliland oo ah qaran madax banaan oo dimuqraadi ahi aqoonsi buuxa uga heli lahayd caalamka.
Wasiirka Arrimaha dibada Britain Md. William Jeffer Hagu, waxa uu sheegay inay ka go’an tahay dalkiisa inuu la shaqeeyo Somaliland,  isla markaana la sii xoojiyo cilaaqaadka labada wadan. Waxaanu Somaliland ku ammaanay kaalinta wax ku oolka ah ee ay kaga jirto nabadgelyada iyo dimuqraadiyada gobolka.
Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa kale oo uu maanta dalka Itoobiya u yimi inuu la kulmo Raysal Wasaaraha Itoobiya Malez Zanawi iyo Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland waxa kulankaasi ku wehelinayay Wasiirrada Arrimaha dibada iyo Madaxtooyada, halka Wasiirka Arrimaha dibada ee Ingiriiskana uu wehelinayay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya.


Dhinaca kale Weftiga Madaxweynuha waxay gaadheen magaalada Jubba 5:45 galabnimo waxaana madaarka ku qaabilay saraakiil sar sare oo ka tirsan dawlada cusub ee maanta loo wanqalayo jiritaankeeda iyo Guddida u qaabilsan soo dhawaynta madaxda tirada badan ee ka socota beesha caalamka ee lagu casuumay xaflada dabaal dega dalkan.
Waxa kale oo Madaxweynaha madaarka Jubba ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo La Taliye u ah dawlada cusub ee ka dhalatay koonfurta Suudaan.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigiisa waxa la dejiyay Huteel weyn oo ku yaalla magaalada Jubba,halkaasi oo ay degeen badi madaxda adduunka ka socotaa.


Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu khamiistii kulan kula yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee Ingiriiska oo watay markab dagaal oo ku soo xidhay dekada Bebera. ka hor intii aanu weftigii Madaxweynuhu diyaarad khaas ah ka raacin halkaa.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Koonfurta Suudaan Silva Kiir ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaana casho sharaftaasi goob joog ka ahaa Madaxweyneyaasha Simbabwe iyo Ereteriya.
Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Beeraha, Macdanta iyo biyaha, Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya Aadan Nuux Dhuulle iyo 15 Suxufi oo ka kala socday dhammaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland.
Weftiga madaxweynuhu waxay shalay galab ka dhoofeen garoonka caalamiga ah ee Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Koonfurta Dalka Suudaan ee Magaalada Juba waxa ku sii qul qulaya madax badan oo ka socota caalamka oo goob jog ka noqonaya dalka cusub ee ka go’ay dhul weynaha Suudaan, ka dib markii sanadkii 2005 dawladda Suudaan iyo jabhadii koonfurta Suudaan ay ku heshiiyeen heshiis nabadeed oo dhigayay in gobolada koonfurtu ay ka go’I karaan waxa afti laga qaaday shacbiga ku dhaqan koonfurta Suudaan Bishii January ee la soo dhaafay ay 99% doorteen inay madax banaanidooda ka qaataan wadanka Suudaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *