Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta dalka ku soo laabtay ka dib safar qaatay sadex todobaad oo uu ku joogay dalka Britain.

 


Madaxweyne Siilaanyo, waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Hargeysa, iyadoo ay halkaa ku sugnaayeen Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Xubno ka mida Golaha Wasiirada Somaliland, Xildhibaano uu hormood ka yahay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanku, Wasiir ku-xigeeno, Taliyeyaasha Ciidamada kala Duwan ee Dalka iyo qaar ka mid ah haweenka Xisbiga Kulmiye iyo dadweyne kale.


Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ka hadlay safarkii uu dalka kaga maqnaa iyo waxyaabihii uu kala kulamay jahliyadaha London ee Somaliland iyo Qurba-jooga ku dhaqan dalka Ingiriiska.

Madaweyne Silanyo oo 13 July ka baxay dalka, wuxuu kusii hakaday Dalka Ethiopia, isagoo kulamo la yeeshay Madaxda Dalka Ethiopia, wuxuuna sheegay  inuu kulamada dhexmaray madaxda dawladda Ethiopia ay kaga wada hadleen arrimaha xidhiidhka labada dal iyo sidii loo hagaajin lahaa isu socodka labada dhinac.

Waxa kale oo uu sheegay in mudadii uu ku sugnaa Dalka Britain kulamo la yeeshay Jahliyadaha Somaliland eek u dhaqan halkaa qaarkood, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Farxad weyn bay ii tahay inaan dalka kusoo laabto. Anigoo muddo labaataneeyo maalmood ka maqnaa, muddadaa aan maqnaa markii hore dalka Itoobiya ayaan sii maray, waxaananu is-aragnay masuuliyiinta dawladda Itoobiya oo aanu ka wada hadalnay danaha labada dal, ka dib waxaan uga gudbay dalka Ingiriiska oo aan muddo fasax ah ku maqnaa.

 

Anigoo bulshada reer Somaliland ee halkaas (Ingiriska) joogtana aan fursad u helay qaybo badan oo ka mid ahna aanu la kulanay oo aanu la ciidnay oo aanu la hadalnay oo danaha dalka, baahiyahooga iyo waxay tabanayeen ay iyaguna noo sheegeen, taageerada dadka iyo dalkana aanu ku guubaabinay, isla markaana taageeradooda iyo niyad wanaagsanan dadka iyo dalkaba way u muujiyeen.” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo wejigiisa farxad ka muuqato.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *