Hargeysa(ANN)Koox ka mid ah madaxdii Xisbiga UDUB ee usoo digo rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xaflad weyn oo ay ku muujinayaan awoodoodda taageero ku soo bandhigay hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Xubnaha ku biiray KULMIYE,  waxa ka mid ah xildhibaano golaha Wakiiladda ka tirsan, wasiiro hore uga tirsana dawladii UDUB, agaasimeyaal, haween iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo sheegay in aanay aqoon mucaaradada, waligoodna ay ahaayeen muxaafad hadba dawladda joogta uun taageera, waxaanay sheegeen inay xisbiga kulmiye oo aad u yaqaan mucaaradadda iyo dhaliisha ay bari doonaan muxaafadnimada iyo sida dawladda loo taageero.

Sidoo kale, madaxda xisbiga KULMIYE ayaa soo dhoweeyey, iyagoo sheegay in aan xisbiga laga kala xigin oo hawlaha xisbiga qayb muhiim ah ka qaadan doonaan.

Wasiirka hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade iyo Wasiirka arrimaha gudaha  Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa sheegay in markii hore ay ahaayeen xisbiga UDUB, balse imika ay noqdeen wasiiro, madaxweynaha uga dhow ragii waligii xisbiga kulmiye ku jiray, taasina ay cadaynayso buu yidhi in xisbiga iyo dawladaba la kala lahayn, oo cid waliba u siman tahay.

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isna sheegay in xisbigu muddo dheer mucaarad ahaa, isla markaana hawlihii nabadeynta iyo horumarinta uu qayb weyn ka soo qaatay.

Madaxweyne ku xigeenka  Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in aanay dadku kala caqli badnayn balse ay ku kala duwan yihiin hogaanka, isagoo xusay in  hogaanka KULMIYE uu ka duwan yahay ka xisbiyada kale, sidaa darteed ay keentay in sideed sanadood usoo samraan oo iyagoo midaysan ay taladda la wareegaan, isla markaana ay wasiiro u magacaabeen ragii UDUB ahaa ee ay ololaha aadka isku necbaayeen.

“Anaga naguma jirto ragan waad isa soo layseen, waxaana ku cadaynaya ragan I garab fadhiya ee wasiiraddi ahi waa ragii naga soo horjeeday, kamana cabsoonayno in ragii naga soo horjeeday aanu wada shaqayno, marka inta aynu is dheer nahay waa in aynu isku qirnaa”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Saylici oo ku faanaya in rag UDUB ahaa ay wasiiro ka dhigeen.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in wax badan ay UDUB kaga fiicnayd, loona baahan yahay in la isku daro waxa la is dheer yahay iyo qolo waliba waxay ku fiican tahay, ololahana loo galo si nadiif ah.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *