Somaliland waxa soo  martay  Xukuumaddo kala duwan oo marxalado iyo duruufo kala jaad ah  ay soo waajaheen, isla markaana mid waliba meel soo gaadhsiisay nidaamka dawliga ah iyo hanaanka dawladnimo ee ku dhisan nidaamka geedi socodka iyo dumuqraadiyada, 

kaas oo suurta geliya in si nabad ah xukunka loola kala wareego. Kadib doorashadii ugu danbasay ee 26 Jun 2010.
In kasta oo xukuumaddahaa hore ee soo maray  Somaliland sheegayeen  inay qaadayaan tallaabo derejooyin lagu siinayo ciidamadda kala duwan ee qaranka, maadaama ay Somaliland tahay qaran dunida ka doonaya aqoonsi buuxa, isla markaana derejooyinka ciidamaddu yihiin astaamaha haybada iyo kala dambaynta ciidamada oo ka mid ah rukumada qaranimada, balse qorashahaasi umma suurta gelin, iyadoo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin marar badan oo ay balanqaaday derejooyinka ciidamada qaranka ee kala duwan suurta gal noqon weyday.

Hase yeeshee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku guulaysatay inay meel mariso qorshaha derejooyinka ciidamada oo ay balanqaaday xiligii ololaha doorashada Madaxtooyadda Somaliland, waxaana dhowaan loo qabiyay derejooyin kala duwan in ka badan toban kun oo ka mid ah ciidamada kala duwan ee qaranka. Kadib markii ay soo dhamaatay  warbixinta gudi qaran oo qiimayn ku samaysay ciidamada qaranka ee dalka, isla markaana qiimayntooda ku sar gooyay sida loogu qaybinayo ciidamada derejada.

Waxayna arrinta bixinta derejadu noqotay mid ay ka dhasheen sheekooyin badan iyo muuqaalo kala duwan oo qaarkood qayb ka noqdeen kaftanka iyo sheekooyinka inta badan mudooyinkaa ka socday golayaasha kaftanka iyo haasaawaha ee bulshadu ku kulanto.

Muuqaalada qosolka badan ee ka dhashay arrimahaa waxay qaarkood noqdeen kuwo ugu hadal haynta badan, tusaale  ahaan laba nin oo meel ka wada shaqaynayay oo hal ciidan ka wada tirsnaa, waxay ahaayeen kuwo shaqada ku saaxiibay,.

Labada Nin  midkood waxa la siiyay Kabtan  saaxiibkiina sadex xadhigle, laakiin marka ay xafiiska joogaan intii aan la siin derejooyinka waxa labadooda sarkaal xisaabsanaa Ninka la saddex xadhiglaha, halka saaxiibkiisa la siiyay Kabtanka saaxiibtinimada ka sokow uu maamul ahaan ka sareeyay  saaxiibkiisa helay sadex xadhiglaha, balse derejadii magic ahaan mooyee waxba kama bedelin qaabkii ay awaamiirta u kala qaadan jireen, waxay iyagoo lebisan derejooyinkii la siiyay oo ay garbohooda ka muuqdaan Nin walba waxab nasiin kiisu siiyay  kusoo baxeen iyagoo wada socda qaar ka mid ah asxaabtooda oo weydiiyay waxay kala heleen.
Waxaana midkii Kabtan ahaa ku jawaabay  “inkasta oo saaxiibkay derejo ahaan iga hooseeyo, balse weli waxan u haystaa inuu isagu yahay sarkaalkaygii, markaa maba eego garbahayga ee sidii awalba uu madaxda iigu ahaa ayuu weli iigu yahay saaxiibkay inta uu qosol raaciyay , waad aragtaan weli sidii ayaan uga amar qaadanayaa” ayuu raaciyay.

Sheekadaa kaftanka ah kadib waxay fuuleen gaadhigii ay wateen iyagoo wada socda ay u dhaqaaqeen dhinaca xafiiskooda,
Sheekooyinka qosolka badan eek a dhashay derejooyinka la siiyay ciidamadda kala duwan maaha kuwan oo keliya ee waxa dhacay qisooyin kuwan u dhow dhow iyo kuwo muqaal ahaan ka duwan oo dhashay arrimahaa, isla markaana soo baxay  markii ciidamadda loo qaybiyay derejooyinka.
La soco……………………..
Arraale M jama
Araweelonews,com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *