Biixi Yonis and TedrosAddis  Abba(Araweelo News Network) Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay  inay magaalada Addis abbaba ee xarunta dalka Ethiopia kula kulmeen Raysal wasaare ku xigeenka

 

dalka Ethiopia, isla markaan ah Wasiirka Arrimahaa dibeda Dr Tedros Adhano.
Dr. Maxamed Biixi Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland oo waraysi kooba caawa siiyay  Idaacada BBC-da L aanteeda Af-soomaaliga, waxa In ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka siyaasadeed ee labada wadan. dhiirigelinta ganacsiga iyo maalgashiga, isla markaana waxa uu xusay in arrimaha ay ka wada hadleen ay ka mid tahay sidii Diyaaradda Ethiopian Airlene dib ugu bilaabi lahayd duulimaadyadeedii dhinaca Hargeysa, taas oo uu sheegay in Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ah Wefdiga iyo Masuuliyiinta shirkaddu ka wada hadleen.

Wasiirka arrimaha debeda Somaliland Dr. Biixi Yoonis, waxa uu sheegay  in shirkadda diyaaradduhu tahay ganacsi oo ay meesha ganacsigeeda macaash ugu jiro tegeyso oo aan cidna ku khasbi Karin meesha ay tegey, balse ay ku faraxsan yihiin inay fursadaa ka faa’idaystaan muwaadiniinta Somaliland, isla markaana arrimaha ay ka cawdeen shirkaddu ay yihiin kuwo la xidhiidha dhinaca amaanka, balse markii wasiirka duulista Somaliland ay wada hadleen gudi ka socda shirkadda diyaaraddaha Ethiopian Airlene loo soo diray Hargeysa si ay u qiimeeyaan arrimaha amaanka ee ay ka cabanayeen, kuwaas oo sida uu sheegay ku war celiyay in Somaliland tahay amaan oo ay diyaaradii dib u bilaabayaan.
Kulanka Wasiirka arrimaha debeda Somaliland waxa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha gudaha, Cali Maxamed Warancade. Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi, wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia Aadan Nuux Dhuule iyo safiirku xigeenka safaarada Addis ababa ,Ayaanle Salaad Diiriye . \

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *