-
Published On: Tue, May 18th, 2010

Gaadhigii Wasiir Tallaabo oo Daad la Tegay iyo Hal Askari oo ku Geeriyoodey

Smiley face
Share This
Tags

Ceerigaabo-(ANN)-Wasiir ku Xigeenka Cadaalad Somaliland Yuusuf Ciise Tallaabo iyo laba askari oo ilaaladiisa ah, ayaa gaadhigii ay wateen daad ku qaaday meel u dhaxaysa Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo oo la yidhaahdo (God caannood), lama hubo khasaaraha soo gaadhay wasiirka haseyeeshee waxa la xaqiijiyey dhimashada mid ka mid ilaaladiisii.

 

Gaadhiga, ayaa waxa la sheegay inuu waday Wasiirku ,waxaan uu ku socday Ceerigaabo, dhinaca magaalada Ceerigaabo ayaa looga soo gurmaday,illaa haddana masuulliyiintii iyo dadkii ka yimi Ceerigaabo kamay soo noqon, waxaana jira warar sheegaya  in gaadhigu qalibmay, laakiin waxa kelya ee la xaqiijiyey in askarigaasi dhintay.

Araweelonews.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>