Hargeysa(ANN)- Boqolaal qof oo u badan haween iyo dhalinyaro ayaa saaka ku soo lugo’ay fagaaraha beerta xoyida ee magaalada Hargeysa. iyagoo doonayay inay ka qayb galaan xuska munaasibada 18 May oo sannad kasta sida caadadu ahayd la xusi jiray.

 

 

Hase yeeshee sannad guurada 19aad ee 18 May oo ku beegnayd maanta ayuu xalay caweyskii Madaxweyne Rayaale oo shir saxaafada ugu qabtay Xafiiska ku sheegay in aan la xusayn, balse boqolaal qof oo haween iyo caruur isugu jira ayaa saaka subaxnimadii hore isugu soo baxay wadooyinka fagaarahaa yimaada, kuwaas oo aan intooda badni ka warqabin in la joojiyay xuska munaasibada maalintaa ayaa markii ay halkaa soo gaadheen muujiyay gadood ay kaga cadhaysan yihiin, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka mid yihiin, “Meeday 18 May, maxaa loo xusi waayay”  iyo ereyo kale oo ay ku canbaaraynayaan xukuumadda Madaxweyne Rayaale.

Waxaana Dadkaa oo weli kusoo qulqulaya wadooyinka soo gala fagaaraha Beerta xoriyada kala eryay ciidanka Bilayska, kuwaas oo qaar ka mid ah dhalinyaradaa xabsiga u taxaabay.

Dhinaca kale Xisbiga mucaaridka ee KULMIYE ayaa maanta munaasibad balaadhan oo ugu talo galeen munaasibada xuska  sanad guurada 19aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee 18 May 1991-kii.

Munaasibada xisbiga kulmiye  soo qaban qaabiyay  oo lagu qabtay maanta  hoolka shirarka ee Marxuum Cali Marshaal waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga, isla markaana ah  Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Kulmiye  Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha qaranka, masuuliyiin kale oo ka tirsan  Xisbiga KULMIYE, Haween aad u tiro badan iyo marti sharaf kale oo dhammaantood ay ka muuqatay shucuur iyo  farxad,  taas oo muujinaysay  maamuuska iyo qaayaha ay maalintaasi ku leedahay Somaliland oo dhan.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo ugu horayn hadal kooban halkaa ka jeediyay ayaa yidhi “ Maanta waa 18 May, sideedaba bishan May waxa ay iska leedahay taariikho badan oo isugu jira naxdin  iyo farxad, markaa maanta waa maalintii la xaqiijiyey gooni isu taaga Somaliland ee magaaladda Burco oo dadka reer Somaliland ee bari iyo galbeedba ay ku heshiiyeen inay halgan qadhaadh oo naf iyo maalba leh kadib ay dib ula soo noqdaan oo ay ku soo celiyaan sharciyan sidii ay ahayd 26-kii June 1960kii.

KULMIYE waxa uu ummada Somaliland uu hambalyo u dirayaa maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May, markasta oo maalintan la xusayo waxa waajib ah in aynu u ducayno intii ku shihiiday, intii ku naafowday iyo intii u goblantay waxaanan rajaynaynaa inuu cawil naqii Ilaahay siiyo, waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa Ciidamada qaranka oo u badan halgamayaashii SNM, waxaanan ku hambayeynaynaa 19 sanadood oo ay xaqiijinayeen nabadgalyada iyo jiritaanka Somaliland.”  

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu isagoo maalinka hadlaya yidhi “ Sagaal iyo tobankaa sanadood waxaynu ahaynaa Somaliland oo bari iyo galbeed isku mid ah oo wada socota, adduunkana cabasho lagama waayo, balse waxaynu haysanaa dadkeenii oo xor ah oo kolba talada meel isugu gaynaaya, waxaynu haynaa Somaliland oo doorasho u diyaara oo madaxdeeda ku badalaysa warqad, nabadgalyo iyo tallo, dhibaato kastaa ha inaga gaadhee doorashadaas, laakiin maanta waxaynu qaadanaynaa warqadii codbixinta doorashada, waxaynu haynaa balanqaad aynu dhammaanteen ku kalsoonahay oo dhawr iyo Afartan maalmood kadib waxaynu u dareeraynaa doorashada Madaxtooyada.”

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE,  wuxuu  fariin u diray dhalinyarada Somaliland, isagoo  ku guubaabiyey inay si nabadgalyo ah u qaataan kaadhadhkooda oo Musharaxa ay doonayaan codkooda siiyaan, isla markaana  aanay la shiitamin Ciidamada Booliska.

 

By,  Carraale  M. Jama

 Hargeysa Office Araweelonews 

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *