fowsia1
Muqdisho(Araweelo News Network)Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah Haweenaydii Wasiirka Arrimaha Debeda iyo Raysal Wasaare xigeenka ka ahayd Dawlada Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa

 

ka digtay in Somalia u gacangasho wadamada ku xeeran sida Ethiopia, Kenya iyo Uganda.
Sidoo kale waxay sheegtay in Dawlada Xasan Sheekh ay tahay mid aan awood lahayn, iyadoo iftiimisay dhibaatooyinka dadka Soomaalida haysta iyo dagaalada sii socda ee aan xalka lahayn in sabab u noqon karaan in mustaqbalka dhow Somalia ay la wareegaan dalalka ku xeeran.

Marwo Foosiya waxay iyadoo arrimahaa ka hadlaysa tidhi,”Dawlada had aka jirta Soomaaliya iyo kuwii kasii horeeyay midna awood malaha, waxa aniga ii qorshaysnayd dawladayadii in safaaraddaha la xoojiyo si ay dadka u metelikaraan. Laakiin taasi ma dhicin oo waxaad ogtihiin Baasaboorkii dhibaatada ka taagan ee dadkii debeda ka haysata, waana arrin u baahan in dib loo eego oo dib looga tashado.
Dadka Soomaalidu meel walba waxay ku jiraan xabsi dalalka aduunka oo dhan, qaar badan ayaan xabsiyadaa kasii deynay, kuwa kalena weli way ku jiraan, taasna waxa sabab u ah dhibaatada ka jirta dalka gudihiisa ayaa dadka debedana haysta.” Ayay tidhi Marwo Foosiya.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Debeda dawlada Somalia waxay sheegtay in kala daadsanaanta iyo dhibaatada haysata Soomaalidu ay geyeysiin karaan in la waayo muddo dhow Somalia, waxayna iyadoo arrintaa ka hadlaysa tidhi, “Somalia waa 10mly qiyaastii, waxa inagu xeeran dalal aan lahayn Badda iyo Kahyraadka aynu leenahay, Ethiopia Kenya iyo Uganda, waa sadex boqol oo Milyan, waxa suurta gal ah in shan sanadood ka dib, ama toban sanadoo ka dib ay Somalia qabsadaan, sababtoo ah dalkeena Khayraadkiisa aanay dalalkaasi lahayn iyo dayaca Soomaalida haysta ayaa sababi kara in ay ina hafiyaan.
Kenya awal waa roonayd mudo sanad iyo badh ah ayaan la shaqaynayay, waxaase hadda muuqata in dabkii gaadhay, oo waataa dadkeenii u cararay hadda kasoo cararayaan, waxa loo baahanyahay in ay heshiino oo xal la gaadho. Haddii kale kuwana xabsiyada ayay sidaa ugu dhimanayaan oo ugu baabayaan, kuwana dagaalka ayay ku dhimanayaan, Somaliyana sidan kuma sii jirayso ee waa inaynu heshiinaa” ayay tidhi Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *