Eng. Maxamed XaashiHargeysa(Araweelo News Network)Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay xayiraada Xukuumada Siilaanyo saartay Wargeyska Haatuf oo

 

ahaa maalinle si madaxbanaan uga soo baxa magaalada Hargeysa. Kadib markii ciidamada Boolisku albaabada u laabeen 7 April 2014.
Eng. Maxamed Xaashi Oo maanta ka hadlayey kulan ay siyaasiyiinta la baxay madasha wadashigu isagu yimaadeen ayaa sheegay in ay si aada u canbaareynayaan qaabkii loo maray xadhiga wargeyska Haatuf, wuxuuna xukuumadda ku eedeeyey in ay Hab-dhaqano kala duwan oo ay mudooyinkii danbe u adeegsato Bulshada ay yihiin kuwo waxyeelo u gaysanaya, isla markaana sii fogayn kara  Ictiraafraadinta dalka.

“Inaga oo ictiraaf raadinayna, inaga oo ay ahayd inaynu sharciga ku dhaqano, inaga oo ay ahayd inaynu Soomaalida kale kaga duwanaano oo aynu tusno  wanaageena iyo sidaynu halgankeena ku soo marnay, isaga oo madaxweynuhu ahaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa intii halganku socday, maanta lagama filayn xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay xaq daro xalaashadaan, waxay  ahayd haddii jariirad wax laga sheegayo in ninkii qoray maxkamada la geeyo oo uu ka dacwiyo wixi lagu helana lagu qaado jariiradana in marna la xidho may ahayn waayo jariirada dad ayaa ka shaqeeya, nin durbaan qaatay cilaaq dalbay ayaa la yidhi marka uu ninku madaxnimo u baxo oo uu xil umadeed qaado inuu yidhaa cidbaa wax I tidhi maaha waayo waa  la odhanayaa waana lala xisaabtamayaa, wixii ay xumeeyeen ayaa la sheegayaa, jaraa,id ayaa sheegaya oo dadka ayaa sheegaya, waa la xukumay oo ninkii arrintan loo haystay maxkamadba lama marin maaha wax sharciya, mana aha wixii aynu maanta ku kici lahayn,”

Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi waxaa kale oo uu sheegay in qaabka ay  u dhaqmaan ciidamada RRU-du tahay qaab khaldan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Maanta waxaynu u baahan nahay inaynu tusaale fiican noqono oo wixii ina soo maray aynu ka nasano mana ah inaynu mid kale galno  oo RRU-du kolba aqal jabiso oo dadka loo dhaco habeenkii, dadkana layska xidh xidho, waxaasina waa wax inaga fogaynaya aqoonsigii aynu raadinayey nasiib darada ugu waynina waxa weeye ragii  ina Siyaad Bare ku dhaliilayey inay xaq daro ku kaceen oo aynu ka dagaalanay oo aynu ku ridnay inay iyagii galaan waa nasiib daro wayn, waxaanan leeyahay Madaxweynaha waa in si dhakhso ah loo sii daayo jariiradaha xidhan, wixii ka baaqdayna dawladu ha bixiso iyadaa gashay danbigaase.”ayuu yidhi, Eng. Maxamed Xaashi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *