ayanWashigton(Araweelo News Network)Haweeneyda Soomaalida ah ee Diinta islaamka ka laabatay ee lagu magacaabo Ayaan Xirsi oo Cali ayaa weji gabax kala kulantay

Jaamacadda Brandeis ee dalka Mareykanka.

Jaamacaddan oo hore u sheegtay in dhowr qof oo ay Ayaan Xirsi  ka mid tahay siin doonto Shahaado Sharafeed, balse waxay hadda war cusub oo ay soo saartay  ku sheegtay inay ka laabatay qorshahaas, kadib markii ay cabasho ay soo gaadhsiiyeen qaar ka tirsan Ardayda Muslimiinta ee Jaamacadda dhigata.

Qoraal ay Jaamacadda u gudbisay Arday lagu magacaabo Sahra Fahmy ayaa waxay ku sheegtay in Shahaado Sharafeedka lo ballan qaaday Ayaan Xirsi ay ka hor imanayso dhaqanka iyo hiddaha Jaamacadda, taas oo qawaaniinteedu ay dhigayaan in si isku mid ah diimaha loo tix geliyo.

Sahra Fahmy waxay tusaale usoo qaadatay Qoraalladii iyo Aflaamtii ay jishay Ayaan Xersi, kuwaas oo dhammaantood liddi ku ahaa Shareecada islaamka, waxayna Maamulka Jaamacadda ugu baaqday in iyagoo ilaalinaya dareenka Muslimiinta dunida iyo Ardayda Muslimiinta ah ee Jaamacadda dhigata inay ka noqdaan tallaabtaas.

Maamulka Jaamacadda ayaa qoraal ay markaas kadib soo saareen waxay ku sheegeen inay aqbaleen cabashada ay soo jeediyeen Ardayda Muslimiinta, waxayna si cad ugu dhawaaqeen inay ka laabteen Shahaado Sharafkii ay u ballan qaadeen Ayaan Xirsi.

Gabadhan Soomaaliyeed ee Gaalowday ayaa waxay markeedii hore ku nooleyd dalka Holland, balse markii dhowr jeer ay soo gaadheen fariimo digniino ah oo loogu sheegayo in loo dilayo Aflagaadadii ay kula kacday Diinta islaamka ayaa waxay u guurtay dalka Mareykanka, halkaas oo ay hadda ku nooshahay cabsi iyo qarsoodi.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *