Faaqidaad, By, Araweelo News Editor Qaybtii 3aad
images/stories/madaxweyne rayaale oo fadhiya aasaaskii udub
Laba todobaad ka dib, iyadoo aanay weli shacbiga Somaliland kasoo waaqsan naxdintii dilkaa fawaaxishka ahaa ee lagu fuliyay haweenaydaa ayaa 21,Oct, 2003, waxa magaalada
Sheekh lagu dilay Richard iyo
Enid Eyeing ton oo ahaa Lamaane u dhashay dalka Biritain oo macalimiin ka ahaa dugsiga ay maamusho hay’ada SOS ee magaalada Sheekh, iyagoo waqtigaa caweyskii habeenimo ku sugnaa guriga ay deganaayeen oo ay ku daawanayeen TV. Ka dib markii dablay aan la aqoonsani dhafoorka ka toogteen , taas oo xaalada amniga iyo deganaanshaha ka dhigtay mid aan laysku halayn Karin oo si weyn u dhaawacday sumcadii nabadgelyada iyo xasiloonida ee Somaliland mudada dheer ku caana maashay.
Enid Eyeing ton oo ahaa Lamaane u dhashay dalka Biritain oo macalimiin ka ahaa dugsiga ay maamusho hay’ada SOS ee magaalada Sheekh, iyagoo waqtigaa caweyskii habeenimo ku sugnaa guriga ay deganaayeen oo ay ku daawanayeen TV. Ka dib markii dablay aan la aqoonsani dhafoorka ka toogteen , taas oo xaalada amniga iyo deganaanshaha ka dhigtay mid aan laysku halayn Karin oo si weyn u dhaawacday sumcadii nabadgelyada iyo xasiloonida ee Somaliland mudada dheer ku caana maashay.
Inkasta oo dilalkani ahaayeen kuwo magaalooyiin kala duwan ka dhacay, hadana waxay u muuqdeen kuwo xidhiidhsan oo qaarkood u dhexeeyay wax ka yar saddex todobaad, isla markaana waxa dhamaantood la fuliyay habeenimo xili caweys ah, waxayna ahaayeen kuwo qaab toogasho dhafoorka ah si isku mid ah lagu fuliyay.
Shirqoolada dilalka ahaa ee sida is daba jooga ah uga dhacayay Somaliland waqtigaa ayaa ahaa kuwo xukuumada Rayaale ku guuldaraystay inay gacanta ku dhigaan cidii ka danbaysay, ama ay sameeyaan baadhitaano macquula oo iftiimin kara in la helo raad la raaco oo lagu ogaanayo cidii ka danbeysay iyo ujeedada laga lahaa shirqooladaa isdaba jooga ahaa , waxayna taa bedelkeeda sameeyeen talaabooyin u muuqday kuwo lagu majara habaabinayo dhacdooyinkaa, iyadoo kooxda xukuumadda rayaale ku eedaysay xisbiga ugu weyn mucaaridka ee Kulmiye, isla markaana xabsiga u taxaabtay dad muwaadiniin ah oo qaarkood ahaayeen taageerayaasha siyaasada xisbiga kulmiye, kuwaas oo ay doonayeen inay madaxa u geliyaan shirqoolo iyo dilal aanay shaqo ku lahayn, iyadoo kooxda xukuumda Rayaale ku doodaya in aanay shirqooladaa foosha xun ee dilalku ahayn kuwo laga soo abaabulay, ama loo aanayn karo Koonfurta Somalia kooxaha isku haysta iyo maamulka Puntland toona, balse ay gacanta ku hayaan dadkii fuliyay, isla markaana ku adkaysteen inay shirqooladaa fuliyeen dad muwaadiniin somaliland ahi.
Tusaale ahaan Wasiirkii Arrimaha gudaha ee waqtigaa Ismaaciil Aadan Cismaan(ismaaciil yare) oo 6 Nov, 2004 warysi uu siiyay Idaacada Horn Afrik ee ku taala Muqdisho la weydiiyay halka ay marayaan baadhitaanadii iyo cida ay u hayaan dilalka dadka ajaanibka ah ee ka dhacay Somaliland, gaar ahaan saddexdaa qof ee ugu danbeeyay ee lagu dilay Boorame iyo Sheekh, wuxuuna isagoo ka jawaabaya arrintaa yidhi, “Runtii dilalkii dadkii gaysatay hadaan kaaga waramo Boorame gabadhii lagu dili jiray Annelina Tonelli waxa weeyaan baadhisteedu way socotaa ilaa 5 qofna waa loo hayaa kiiskeeda oo ay ku jiraan kolayba dadkii la filayay inay kiiska gaysteen welina baadhistu way socotaa ilaa laga gun gaadho cidii ka dambaysay.
Hadaan kaaga waramo dhinaca kale ee Sheekh ninkii iyo inantii isqabay ee (Lamaanihii) macalimiinta iskuulka haysatay iyagana sidaa si leeg baadhistoodu way socotaa 17 qof baa loo hayaa, wixii falka gaystay iyo wixii saacidayay ee dabadeed kaalmaynayayba, wixii ka dambeeyay iyo wixii kelifayba waa wax gacanta lagu hayo, iyagana baadhistoodu way socotaa. laakiin labada dhinacba falalka cidii gaysatay ee dembiga gashay, cidii gacan ku dhiiglaha ahayd gacanta ayaan ku haynaa haddaan dawlada Somaliland nahay.” La soco..
By, Araweelo News Editor