Madaxweyne Rayaale oo fadhiya aasaaskii UDUB.PNG  Sida  wax isaga bedeleen  siyaasada Somaliland oo yeeshay sifooyinka iyo tilmaamaha, ama  u ekeysiiyay xaalada  Sida siyaasada kooxda Al-shabaab oo si weyn  wax uga bedeshay  Koonfurta iyo badhatamaha Somaliya, waxa lagama maarmaan ah inaynu iftiimino inuu Madaxweyne Rayaale oo sida aynu soo xusanay aanay bulshadu muuqaalkiisa,

 

 

 

   

 

  magaciisa, kartidiisa aqooneed iyo dabeecadihiisa waxba kala socon,  ka hor intii aanu doorashadii Madaxtooyada 2003, ku guulaysan tiro yar oo codad ah oo mad madaw badani ku jiro dhaxlay hogaaminta dalka, wuxuu durbadiiba bedelay magaciisa, taas oo ahayd talaabadii u horaysay ee uu qaaday, waana sida ay sameeyaan hogaamiyayaasha kooxda Al-shabaab iyo kuwa la midka ah ee marka xil loo magcaabo ay ula soo baxaan magac cusub, ama magacoodii  hore wax ka bedelaan. Kooxda Al-shabaab waxay bulshada Soomaalida u soo xidhatay shaadh diimeed, halka Rayaalena ugu soo dhuuntay shacbiga Somaliland shaadh Duqmuqraadiyadeed oo uu gabood kasoo dhigtay.

Madaxweyne Rayaale wuxuu si cad dagaal ugala hor yimi nidaamkii uu kasoo dhigtay gaboodka ee bulshadu ku aqbashay inuu hogaamiyo oo ahaa nidaamka ay Somaliland qaadatay ee tartanka hanaanka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka  xorta ah, wuxuuna sannadii  u danbeeyay  u muuqday  Nin  u badheedhay in aanay kusii socon Somaliland  dariiqii iyo nidaamkii uu ku yimi ee hanaanka  doorashooyinka xorta ah, isla markaana  nidaamkaasu noqdo mid  aan ka hana qaadin geyiga Somaliland.

Wuxuuna  si  badheedh ah uga soo horjeestay  nidaamka dumuqraadiyada iyo geedi socodka doorashooyinku inay kasii socdaan Somaliland. Sida kooxda Al-shabaab uga soo horjeedo dumuqraadiyada, doorashooyinka iyo xoriyatul qawlka.  Mr. Rayaale iyo  Kooxdiisa  waxay kuwa kasoo horjeeda ee hogaamiyaasha mucaaridka iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ahi ku tilaamaan inuu horseed u noqday   burburinta hanaankii dumuqraadiyada iyo shuruucdii dalka, isla markaana meesha ka saaray talo wadaagii iyo isu tanaasulkii bulshada Somaliland ku dhisnayd ee dhaqanka u ahaa, taas oo ahayd waxa keliya ee ay Somaliland kaga duwan tahay koonfurta Soomaaliya ee dagaalada iyo dhibaatooyinku ka holcayaan.

 Madaxweyne Rayaale talaabooyinkii u horeeyay ee qaaday markuu xukunka gacanta ku dhigay waxay ahaayeen,  isagoo durbadiiba isku xeeray koox ka mid ah Nabad sugidii Soomaaliya ee  NSS-ta, maadaama uu ka mid ahaa saraakiishii hay’adaa, kuwaas oo xiligii dawladii nidaamkii  digteytarka ahaa ee Siyaad Barre  loo  carbiyay cabudhinta, Jidh dilka iyo cadaadiska shacbiga. Laakiin Al-shabaab waxay saraakiil badan oo ka mid ahaa kooxahaa nabad sugida ee NSS-ta uga faaidaysteen si yaabo kale.     Kooxdan oo loo bixiyay Kooxda  rayaale  ee NSS-tu waxay  abuurtay  khilaaf siyaaseed oo  aan hore looga aqoon  Somaliland, kaas oo cabsi ku beeray  bulshada. Sida  kooxda Al-shabaab khilaafka diineed uga abuurtay soomaaliya.

Somaliland waxay ahayd meesha ugu nabad gelyada badan mandaqada geeska Afrika, taas oo ahayd hantida keliya ee ay shacbiga Somaliland ku faanaan, iyadoo ay beesha caalamka sumcad weyn kaga kasbadeen. Laakiin  dadka dheleeceeya siyaasada xukuumadda Rayaale ayaa ku tilmaama inuu gebi ahaanba masaxay  mudadii uu xilka hayay sumcadii iyo nabad gelyadii ay ku caana maashay Somaliland, waxaana  tusaale loo soo qaadan karaa markii uu  xukunka la wareegay oo ay bilaabmeen shirqoolo,  dilal  iyo afduubyo lagu bartilmaameedsanayo dadka ka hawl gala haya’daha samafalka ee ajaanibka  ah. Tusaale ahaan  Martin Niederhonigen oo ah ganacsade u dhashay dalka  Switzerland  ayaa 31, Dec,  2002, abaaro 6:30 fiidnimo lagu dilay Koonfurta magaalada Hargeysa ee Super  Market-ka     Star . Martin wuxuu  doonayay inuu mashaariic ganacsi ka hir geliyo Somaliland, ka hor intii aanay koox dablay ahi toogasho ku dilin waqtigaa.  Mr. Martin oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay waxay  Somaliland ku sugnaayeen muddo shan bilood gaadhaysa.  Sidoo kale Toban bilood ka dib Annalena Toneli oo ahayd haweenay u dhalatay dalka talyaaniga oo hawlo samafal ah ka waday cusbataalka magaalada Boorame ayaa 5 Oct, 2003, lagu dilay  duleedka Cusbitaalka TB-da ee Boorame  goor caweys fiidnimo, iyadoo waqtigaa ka soo baxday waadhadhka bukaanka oo ay ku guda jirtay hawlihii samafalka.  Ka hor intii aanay dablay aan la aqoosani dhafoorka ka toogteen.  …. La soco

 

Faaqidaad Qatbtii Laad By,  Araweelo News Editor

E-mail. arta.abyan@yaahoo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *