-
Published On: Fri, Jun 4th, 2010

Maaweeladii Madaxweyne Rayaale Ee Siddeed Sannadood Ka dib Iyo Abaabulkii Olalaha Xisbiga UDUB Ee Beerta Xoriyada

Smiley face
Share This
Tags

images/stories / Hargeysa (ANN)- Dhaqdhaaqa gaadiidka yar yar iyo Basas  lagu xidhay sameecado waaweyn ayaa subaxnimadii hore lagu arkayay wadooyinka magaalada Hargeysa, kuwaas oo la sudhay Calnka xisbiga UDUB iyo istiikaro lagu balaadhiayay sawirada labada Mushar ee Xisbigaa oo ah Madaxweyne Daahir Rayaale  Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

 Gaadiidkaa basaska ayaa xaafadaha qaarkood la geeyay si loo helo taageerayaal ka qayb gala munaasibada isu soo baxa ee loo qorsheeyay Beerta xoriyada. Laakiin inta badan Basaskaa ayaa markii ay waayeen dadkii la filayay inay raacaan, waxa iska buuxiyay caruur yar yar oo u muuqday Caruurta xiliga Ciidaha sidan oo kale loo kireeyo Basaska.

Waxayna qaar badan oo ka mid ah Basaska saaka subaxnimadii hore la arkayay ahaayeen kuwo lag laalaadiyay Calanka xisbiga UDUB  iyo sawirada Labada Musharax, iyadoo marka muuqaalka noocaa ah aad aragto ay maskaxdaada kusoo dhacay inaad is weydiiso inay Caruurta gaadiidkaa saarani ku jiraan maalin ciid ah, balse marka aad xusuusato inaanay ahayn maalin ciid ee ay tahay maalin Olole xisbi, sawirka muuqaalka caruurtu u muuqanayo  kuwo ay waalidkood awoodi waayeen inay geeyaan meelaha fasaxyada ee loo dalxiis geeyo caruurta oo ay ku madadaashaan.

Inkasta  oo maalintu ahayd bilawgii Ololaha doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, isla markaana aanay Caruurta noocaa ahi waxba kala socon waxa loo socdo iyo waxa laga hadlayo oo aanay ahayn kuwo qaan gaadh ah, waxay taasi yeelatay muuqaal gaar ah.

 Hase yeeshee ugu danbayntii Caruurtaa iyo boqolaal haween ah oo aan inta badani waxba kala socon ujeedada loo wado ayaa laga soo buuxiyay Basas xaafadaha dacalada magaalada Hargeysa, kuwaas oo laysigu geeyay Beerta xoriyada, waxaana halkaa mar danbe yimi Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin oo labadooduba ah musharixiinta xisbiga UDUB ee u taagan doorashadaa, iyadoo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada iyo xisbiga UDUB, Balse  markii uu  Madaxweyne Rayaale  oo sidii hore looga bartay ay daba guurayaan raxan gaadiidka gaashaaman ee Tignikada ah iyo Askarta duubcasta ahi soo gelayeen Beerta iyagoo gaadiid xawaare dheereeya ku soconaya ayaa sababay durbadiiba shil ka dhacay afaafka maxkamadda gobolka, balse aanay cidi ku naf waayin.

Markaa wixii ka daneeyay waxa bilaabmay qudbad dheer oo  dhawr iyo sodon Bog ka kooban oo Madaxweyne Rayaale halkaa ka jeediyay, taas oo uu kaga hadlay qorshayaal cusub oo sida uu sheegay doonayo inuu dalka ku maamulo, balse muu xusin Madaxweyne Rayaale halka ay ku danbeeyeen qorshayaashii mala awaalka ahaa ee todoba sanandood ka hor xiligii Ololaha doorashada ee 2002 uu shacbiga u balan qaaday, halka ay ku danbeeyeen iyo waxa u qabsoomay, ama  ka qabyoobay, iyadoo mudadaa laga joogo siddeed sanadood, isla markaana Caruurtii maalintaa dhalatay ayaa ahaa kuwa maanta Basaska lagu daabulayay markii ay dadkii waaweynaa iyo dhalinyarada wixii ka badbaaday sideedaa sannadood Badweynta Liibaya iyo saxaruhu  giriifeen. Iyadoo intii uu socday isu soo buxu ay jireen daraasiin caruur ah oo ay Ciidanka  Bilaysku  garaaceen, kuwaas oo ilaa sideed ka mid ah la geeyay Cusbitaalka weynee Hargeysa.

Madaxweyne Rayaale waxa uu ka sheekeeyay guulo uu soo hooyay, sida magcaabida gobolada iyo degmooyinka uu  hore u magcaabay, isagoo yidhi, “Iyadoo la tixgelinayo waajibka dastuuriga ee hoos u daadejinta maamulka Xukuumadda, fidinta adeegyada aasaasiga ah iyo rabitaanka dadweynaha; waxa la abuuray todoba gobol oo cusub. Kuwaas oo kala ah: Salal, Gabilay, Oodweyne, Buuhoodle, Saraar, Badhan, Hawd iyo 20 degmo oo cusub.”

Laakiin ma dareensanay madaxweynuhu in aanay micno u samaynayn Bulshada gobolo iyo degmooyin aan ku dhisnayn qorshe iyo nidaam dhab ah, balse ujeedadoodu ahayd in xiliga doorashada lagu  kaanbayn gareeyo gobolada Beelaysan ee uu Bulshada ku kala qaybiyay, iyadoo aanay xukuumadiisu  awoodi weyday inay xuduudo u samyso Lixdii gobo lee hore u jiray oo ilaa maanta aanay deegaamadaa doorasho ka qayb gelin dadkoodu. Kadib markii muran ka dhashay maamulka iyo xuduudooda.

 Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha nabadgelyada, isagoo yidhi,. “Haddii aan si kooban uga hadlo arrimaha Nabadgelyada dalku waa aasaaska nolosha aadamaha, dalna wax horumara kuma talaabsan karo haddii aanay nabadi jirin.  

 Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican. Africa iyo Adduunka kale ma jirto meel ay Lacagta iyo Dahabku suuqyada wadhan yihiin. Taasi waxay ku timid dedaal badan oo ay Xukuumadda, Hay’adaha nabadgelyada u xilsaaran ee Ciidamada Qaranku kow ka yihiin; madax dhaqameedyada iyo dadweynaha Somaliland ee nabadda jecel ay ammaanteeda leeyihiin.

 

Sida aad wada dareensan tihiin, waxa jira cadow badan oo u quudhi waa iyo xiqdi dartii doonaya inay curdin dhadhiyaan dimoqraadiyadda iyo horumarka aan ku talaabsanay iyagoo adeegsanaya tabo iyo xeelado qarsoon. waxa hubaal ah in cadawgu kelidii waxyeelo inoo gaysan Karin hadii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inoo maleegayo gacan ka geysanaya. Kuwaas oo laga yaabo in maslaxado maadi ama siyaasi ah lagu dagay ama caqliga laga xaday.

 

Shirqoolada ay cadawgu inoo maleegayaan waxa tusaale inoogu filan fal-dhagareedkii axmaqnimada ahaa ee kooxo argagixiso ahi   29 Oktoobar ka fuliyeen madaxtooyadeenii Qaranka iyo xarumo kale oo muhiim ah oo caasimada ku yaala. Falkaas arxandarada ah oo lagu xasuuqay muwaadiniin labaatan kor u dhaafay intaa labanlaabkeedna ku dhaawacmeen”

Laakiin Maxadweyne Rayaale  wuxuu ilaabay in markii uu xukunka  Somaliland  gacanta ku dhigay  laga sameeyay Hawlgalo iyo shirqoolo lagu bartilmaameedsaday hawlwadeenadii ajaanibkaa ahaa ee sida xidhiidhka ah loo laalay, taas oo keentay in ugu danbayntii Madaxtooyada loogu soo galo Octoobartii madoobayd  2009, isla markaana Madaxweynuhu  muu xusuusnayn inuu yahay hogaamiyihii ugu horeeyay ee saamaxaad u fidiya dad loo haysto falal argagixiso, taas oo sabab u ahayd weerarkii ugu danbeeyay eel ala beegsaday Somaliland.

Mar uu ka hadlayay Madaxweyne Rayaale siyaasada Arrimaha Debeda, waxa uu yidhi, “Waxa lagu guulaystay in 23 wadan oo aduunka ka mid ah laga furo xafiisyo ay joogaan wakiilo rasmi ahi iyo qaar ay joogaan wakiilo sharafeedyo.”  iyadoo safiirkii dalka faransiiska Marxuum Maxamuud Saalax Nuur markii uu halkaa ku geeriydooday madaxtooyadu u weyday kharash lagu soo qaado maydkiisa.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay mashruuca kootada Xoolaha ee ay shuraakada ku yihiin isaga jaabiri iyo wasiirkiisa xanaanada Xoolaha Dr. Idiris iyo shaqsiyaadka kale ee ganacsatada ku magcaaban ee ka fara qabsaday kootada xoolaha, wuxuuna isagoo ka hadlaya macrajka xoolaha yidhi, “,Waxa Xukuumaddu dedaal badan ka gashay sidii laynooga qaadi lahaa xayiraada la saaray dhoofka xoolaheena.  waxa ay heshiis ganacsi la gashay ganacsadaha weyn ee Al-Jaabiri, isaga oo ka sameeyay dalka Maxjar weyn oo lagu xannaaneeyo laguna baadho xoolaha inta aan la dhoofin. Maxjarkii labaad ayaa isna dhismihiisu gabogabo joogaa

 Waxa dhismihiisii iyo qalabayntiisiiba la dhamaystiray machadka sare ee xanaanada xoolaha iyo  Shaybaadh lagu baadhayo tayada cuntada (quality control).”

Madaxweyne Rayaale kuma soo qaadin qudbadiisa intaa oo keliya ee wuxuu ka hadlay dhinaca dhaqaalaha iyo heshiisyo caalami ah oo uu galay, kuwaas oo aan mar keliya la horkeenin golaha wakiilada. Sida uu dhigayo dastuurka Somaliland iyadoo la ogsoon yahay in aanay kooxda xukuumada Rayaale weli golaha wakiilada keenin xisaab xidhka ku waajibay sanad kasta sida ay u isticmaaleen miisaaniyadii loo ansixiyay, iyadoo la xusuusan yahay inay siddeedaa sannadood ku maamulayeen dalka ku tumashada shuruucdii iyo Distoorka dalka.

Marka laysku soo ururiyo Madaxweyne Rayaale iyo kooxdiisu waxay mar kale  siddeed sannadood ka dib shacbiga la hor yimaadeen maaweelo iyo balan qaadyo aanay waxba ka jirin oo ay doonayaan inay ku khaldaan shacbiga masaakiinta ah.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office         

E-mail; Info@araweelonews.com

 

 

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>