Madaxweyne Rayaale oo fadhiya aasaaskii UDUB.PNG Sida wax isaga bedeleen siyaasada Somaliland oo yeeshay sifooyinka iyo tilmaamaha, ama u ekeysiiyay xaalada Sida siyaasada kooxda Al-shabaab oo si weyn wax uga bedeshay Koonfurta iyo badhatamaha Somaliya, waxa lagama maarmaan ah inaynu iftiimino inuu Madaxweyne Rayaale oo sida aynu soo xusanay aanay bulshadu muuqaalkiisa,
magaciisa, kartidiisa aqooneed iyo dabeecadihiisa waxba kala socon, ka hor intii aanu doorashadii Madaxtooyada 2003, ku guulaysan tiro yar oo codad ah oo mad madaw badani ku jiro dhaxlay hogaaminta dalka, wuxuu durbadiiba bedelay magaciisa, taas oo ahayd talaabadii u horaysay ee uu qaaday, waana sida ay sameeyaan hogaamiyayaasha kooxda Al-shabaab iyo kuwa la midka ah ee marka xil loo magcaabo ay ula soo baxaan magac cusub, ama magacoodii hore wax ka bedelaan. Kooxda Al-shabaab waxay bulshada Soomaalida u soo xidhatay shaadh diimeed, halka Rayaalena ugu soo dhuuntay shacbiga Somaliland shaadh Duqmuqraadiyadeed oo uu gabood kasoo dhigtay.
Madaxweyne Rayaale wuxuu si cad dagaal ugala hor yimi nidaamkii uu kasoo dhigtay gaboodka ee bulshadu ku aqbashay inuu hogaamiyo oo ahaa nidaamka ay Somaliland qaadatay ee tartanka hanaanka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah, wuxuuna sannadii u danbeeyay u muuqday Nin u badheedhay in aanay kusii socon Somaliland dariiqii iyo nidaamkii uu ku yimi ee hanaanka doorashooyinka xorta ah, isla markaana nidaamkaasu noqdo mid aan ka hana qaadin geyiga Somaliland.
Wuxuuna si badheedh ah uga soo horjeestay nidaamka dumuqraadiyada iyo geedi socodka doorashooyinku inay kasii socdaan Somaliland. Sida kooxda Al-shabaab uga soo horjeedo dumuqraadiyada, doorashooyinka iyo xoriyatul qawlka. Mr. Rayaale iyo Kooxdiisa waxay kuwa kasoo horjeeda ee hogaamiyaasha mucaaridka iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ahi ku tilaamaan inuu horseed u noqday burburinta hanaankii dumuqraadiyada iyo shuruucdii dalka, isla markaana meesha ka saaray talo wadaagii iyo isu tanaasulkii bulshada Somaliland ku dhisnayd ee dhaqanka u ahaa, taas oo ahayd waxa keliya ee ay Somaliland kaga duwan tahay koonfurta Soomaaliya ee dagaalada iyo dhibaatooyinku ka holcayaan.
Madaxweyne Rayaale talaabooyinkii u horeeyay ee qaaday markuu xukunka gacanta ku dhigay waxay ahaayeen, isagoo durbadiiba isku xeeray koox ka mid ah Nabad sugidii Soomaaliya ee NSS-ta, maadaama uu ka mid ahaa saraakiishii hay’adaa, kuwaas oo xiligii dawladii nidaamkii digteytarka ahaa ee Siyaad Barre loo carbiyay cabudhinta, Jidh dilka iyo cadaadiska shacbiga. Laakiin Al-shabaab waxay saraakiil badan oo ka mid ahaa kooxahaa nabad sugida ee NSS-ta uga faaidaysteen si yaabo kale. Kooxdan oo loo bixiyay Kooxda rayaale ee NSS-tu waxay abuurtay khilaaf siyaaseed oo aan hore looga aqoon Somaliland, kaas oo cabsi ku beeray bulshada. Sida kooxda Al-shabaab khilaafka diineed uga abuurtay soomaaliya.
Somaliland waxay ahayd meesha ugu nabad gelyada badan mandaqada geeska Afrika, taas oo ahayd hantida keliya ee ay shacbiga Somaliland ku faanaan, iyadoo ay beesha caalamka sumcad weyn kaga kasbadeen. Laakiin dadka dheleeceeya siyaasada xukuumadda Rayaale ayaa ku tilmaama inuu gebi ahaanba masaxay mudadii uu xilka hayay sumcadii iyo nabad gelyadii ay ku caana maashay Somaliland, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa markii uu xukunka la wareegay oo ay bilaabmeen shirqoolo, dilal iyo afduubyo lagu bartilmaameedsanayo dadka ka hawl gala haya’daha samafalka ee ajaanibka ah. Tusaale ahaan Martin Niederhonigen oo ah ganacsade u dhashay dalka Switzerland ayaa 31, Dec, 2002, abaaro 6:30 fiidnimo lagu dilay Koonfurta magaalada Hargeysa ee Super Market-ka Star . Martin wuxuu doonayay inuu mashaariic ganacsi ka hir geliyo Somaliland, ka hor intii aanay koox dablay ahi toogasho ku dilin waqtigaa. Mr. Martin oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay waxay Somaliland ku sugnaayeen muddo shan bilood gaadhaysa. Sidoo kale Toban bilood ka dib Annalena Toneli oo ahayd haweenay u dhalatay dalka talyaaniga oo hawlo samafal ah ka waday cusbataalka magaalada Boorame ayaa 5 Oct, 2003, lagu dilay duleedka Cusbitaalka TB-da ee Boorame goor caweys fiidnimo, iyadoo waqtigaa ka soo baxday waadhadhka bukaanka oo ay ku guda jirtay hawlihii samafalka. Ka hor intii aanay dablay aan la aqoosani dhafoorka ka toogteen. …. La soco
Faaqidaad Qatbtii Laad By, Araweelo News Editor
E-mail. arta.abyan@yaahoo.com