Muwaaddin Itaalkaaga Ugu Hiili Xorriyatul-qawlka
Ma Aqbali Karno in Wargeyska HUBAAL Xabbadii Xadhig Loogu Daro
Xukuumaddu Somaliland ayaan ilaa hadda umada ka qancin weerarkii Wargeyska HUBAAL ay Saraakiisha Booliska ah ee Afka soo duubtay ku soo qaadeen April 24.
Hujuumkaas fashilmay ka dib Xukuumaddu waxay sifo sharciga baal-marsan u xayirtay xarunta guud Wargeyska June 12-keedii, illaa maantana waa Xidhanyahay. Sidaa darteed, waxaa muwaadiniinta la gudboon inuu mid waliba itaalkii (Qowl iyo Qoraalba) ku taageero ololahan oo ka sokow sii daynta Wargeyska HUBAAL, lagaga hortagayo Cabudhin sii socota, maadaama Xoriyatul-qowlku iyo ilaalinta xoriyada iyo madaxbanaanida Dastuurka Somaliland famaanad qaaday loona baahanyahay in meel looga soo wada jeesto sidii loo wada ilaalin lahaa danta guud iyo nidaamka Dumuqraadiyada ee aynu Qaadanay. Wa Bilaahi tawfiiq.