shirgudoonka wakiiladaHargeysa (Aaweelonews Network) Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa la horkeennay shalay mooshin ku saabsan xeerka Macdanta iyo Shidaalka, kaasoo ay ku saxeexnaayeen 22 mudane.

Fadhigii oo uu shir-guddoominayey gudoomiyaha golahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mooshinkan ku saabsan xeerka macdanta si rasmi ah loo horkeenay, isagoo guddoomiyuhu sheegay in wixii macluumaad ah ee intaa dheer uu dib uga sheegi doono.

 

“Waxaan halkan ku hayaa mooshin ay soo jeediyeen mudanayaal oo ku saabsan xeerka macdanta iyo shidaalka. Mooshinka xeerkan waxa soo qoray 22 mudane, waxana maqan hal mudane, 21 way soo jeediyeen mooshinka, waannu ansaxay mooshinkaasi, golahana annagaa ku soo war-celin doonna,” ayuu yidhi Cirro.
Guddoomiyuhu waxa uu golaha ka xaadiriyey magacyada 22-ka xildhibaan ee mooshinkan sexeexay oo uu hal mudane fadhiga shalay ka maqnaa, kuwaas oo kala  ah.
Axmed Ducaale Bullaale, Mahdi Cabdillaahi Maxamuud, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, Faarax Maxamed Cabdulle, Maxamed Saalax Cige, Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Cabdi Maxamed Jaamac, Maxamuud Xaaji Jaamac Cilmi, Xaashi Xuseen Caabbi, Axmed Maxamed Nuur, Xuseen Ismaaciil Yuusuf, Xuseen Maxamed Cige, Siciid Warsame Ismaaciil, Ibraahim Cartan Cabdi, Siciid Cilmi Rooble, Baar Siciid Jaamac Faarax, Xariir Siciid Bullaale, Ibraahim Axmed Haybte, Bashiir Tukaale, Jaamac Xasan Aadan, Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Maxamed Baaruud Shide.

Mooshinkan xeerka macdanta iyo shidaalka, ayaa ku soo beegmay waqti ay dalka ku sugan yihiin shirkado sahanmin shidaal ka wadaan gobollada bariga Somaliland, kuwaas oo muran iyo khilaaf ka abuurmay qaabka loo maamulay qandaraasyada lagu bixiyay oo lala xidhiidhiyay eex iyo qaraaba kiil dhinaca madaxtooyada ah. Sidoo waxa uu moohsankani kusoo beegmay, iyadoo shebekaddaha mataanaha ah ee Arraweelo.com iyo araweelonews mudooyinkii u danbeeyay baahinayeen taxanayaal la xidhiidha heshiisyada shidaalka, kuwaas oo ku talinayay in la sameeyo ka hor inta aan la gelin heshiisyadaa xeerarka lagama amaarmaanka u ah heshiisyada shidaalka iyo macdanta.

Sida Diyaarinta xeerka (Petroleum Law), kaas aan la’aantii  la qaadi Karin  talaabo heshiis lagula gelayo shirkad, ama shaqsiyaad , iyadoo la marinayo nidaamka dastuurka ee u yaal dalkaa, isla markaana la hor geynayo Baarlamaanka. Sidoo kale  Xeerkaa ayaa tilmaamaya qaabka loo dhisayo Guddi heer qaran ah oo ay wada jir u samaynayaan Madaxweynaha iyo Baarlamaanku, kuwaas oo haysta awood buuxda, isla markaana  ka baxsan wasaaradda hawsheedu tahay Batroolka iyo Macdanta  oo wasiirku yeelayanayo awood xadidan oo keliya.

Hase yeeshee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo baalmartay qaanuunka iyo dastuurka ayaa gashay heshiisyo aan ilaa hada laga war hayn nooca ay yihiin iyo qaabka loo galay, kuwaas oo lala galay dilaaliin iyo shirkado aan wax badan laga ogayn, mana aha heshiisyadaasi kuwo ilaa hada la horgeeyay golayaasha Baarlamaanka ee sharciga dastuuriga ah awooda u siiyay inay ay ansixiyaan heshiisyada noocaa ah, balse  Mudanayaasha ayaa hada u muuqda kuwo ku hanbaabaray baahida dalku u qabo diyaarinta xeerka (Petroleum Law), kaas oo la’aantii aan heshiis shidaal iyo macdan midna lala geli Karin shirkaddo iyo shaqsiyaad toona, balse waxa la eegayaa  mooshinkani uu noqdo mid rux-ruxasho ah oo ujeedadiisu aanay intaa dhaafsanayn iyo inuu noqdo mooshin si dhab ah loogu danaynayo qaranka.
sidoo kale waxa lays weydiinayaa qaabka ay shirgudoonka gacanta midig ee madaxtooyadu u maamulaan mooshinka mudanayaashu soo gudbiyeen halka uu ku danbeeyo.
Halkan ka akhriso taxanayaasha shebekaddaha mataanaha  arraweelo.com iyo araweelonews.com ka wadeen heshiishyada shidaalka oo weli socda.
Heshiisyada Caalamiga Ah Ee Shidaalka Iyo Calaamatu Su’aal Saaran Qaabka Xukuumadda Somaliland U Maamushay Khayraadka Dalka:

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *