Mogadishu(Araweelo News Network)Fanaanadii Saado Cali Warsame ayaa lagu khaarajiyay Magaalada Muqdisho. kadib markiii koox hubaysan oo aan tiradooda la aqoonsan tacshiirado rasaas ah la beegsadeen, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya

 

magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia kooxda dablayda ah oo watay gaadhi ayaa daba galay fanaanada iyo darawalkii gaadhiga u waday xili ay maraysay xaafada Hodon, waxayna ku fureen tacshiirado rasaas ah. waxaana halkaa ku geeriyooday fanaanada iyo dareewalkii gaadhiga u waday.

Saacado Cali Warsame oo ka mid ahayd haweenka fanaaniinta caanka ka ah geyiga Soomaalida, ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku noolayd magaalada Muqdisho, waxayna ka mid ahayd xubnaha Baarlamaanka Somalia,

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay ijn ay ka danbaysay falka lagu khaarajiyay fanaanada Saado Cali Warsame, waxayna ujeedada dilkaa ku macneeyeen in qayb ka yahay falalka ay ku ugaadhsanayaan xildhibaanada dawlada Somalia iyo madaxda kale ee Hay’addaha dawlada.

Al-shabaab hore magaalada Muqdisho ugu khaarajiyay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiisha dawlada Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *