Zone unflyWashington(Araweelo News Network)Dawladda Maraykanka, ayaa uga digtay Diyaaradeheeda shirkadaha ganacsigu in ay maraan, ama ay ku duulaan hawadda Lix dal oo

 

caalamka ka mid ah, kuwaas lagu tilmaamay kuwa dhinaca amaanka ugu xun, isla markaana ay khatar geli karaan diyaaradaha isticmaalaa.

Hay’adda dawladda Maraykanka u qaabilsan maamulka hawadda sare ee loo yaqaan (Federal Aviation Administration), isla markaana loo soo gaabiyo FAA, ayaa ku war wargelisay shirkadaha ganacsiga iyo rakaabka in aanay dul marin hawadda sare ee dalalka Ethiopia, Iraq, Libia, Somali, North Koria iyo Ukraine, waxayna digniintan soo baxday xili muran weyni ka dhex taagan yahay Maraykanka iyo Rashia, kaas oo la xidhiidha kadib Diyaarad siday 295 qof oo laga lahaa Malaysia oo todobaadkii hore kusoo dhacday dalka Ukraine deegaanka falaagada dawlada Ukraine dagaalka kula jiraa ka taliyaan.

Wargeyska New York Times, ayaa lagu baahiyay digniinta dalka Maraykanka, waxaana sabab looga dhigay digniintaa in aan la isku halayn karin ammaanka hawada sare ee lixdaa dal, iyadoo dalka Ethiopia lagu xusay digniinta in diyaaradaha looga digay dhinaca Woqooyi, isla markaana lagu xusay digniinta in wadamada Iraq iyo Libya ay ka jiraan kacdoono. Sidaa awgeed aan laysku halayn Karin amaanka dhinaca hawadda ee dalalkaa, isla markaana gantaalaha lidka diyaaradaha ee khatarta ah ay u gacan galeen malayshiyaad iyo kooxo aan lala xisaabtami Karin.

Warka digniinta ah waxa lagu sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay qaran guul-daraystay oo kooxo argagixiso ah ka jiraan, sidaas darteedna aan loo ogolayn in diyaaradaha rakaabka iyo ganacsiga ee Maraykanka laga leeyahay dul-maraan.Waxa kaloo digniintu sheegtay in hawada sare ee dalka Woqooyiga Kuuriya yahay mid halis ah, oo ciidammada dalkaasi tijaabiyaan gantaalo aan wax digniin ah wadan xili walba, taasoo sababi karta in khasaare ka soo gaadho diyaaradaha dul maraya, sidaas darteed, waxa duulimaadyada gaadiidka Maraykanka looga digay inay isticmaalaan hawada sare ee Kuuriyadda Waqooyi, iyadoo dalka Ukraine oo ku yaal bariga qaarada Yurub, ayaa isna ka mid noqday wadamada looga digay inay hawadiisa maraan Diyaaradaha Maraykanka, kadib markii Khamiistii toddobaadkii hore lagu soo riday diyaarad laga leeyahay dalka Malaysia oo ka mid ahayd shirkaddaha isticmaalaysa hawadda wadanka Ukraine.

Washington waxa kale oo ay tallooyin dhinaca duulimaadyada ka soo saartay hawada sare ee dalalka Masar, Afganistan, Congo, Iran, Kenya, Mali, Suuriya iyo Yemen, kuwaas oo la sheegay in halis dhinac duulimaadyada ah ka jiri karaan, balse laguma xusin digniinta in diyaaradaha Maraykanku aanay isticmaali karin hawada dalalkaa, waxaana taa bedelkeeda la siiyey tallooyin ku saabsan inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Hase yeeshee Dawlada Iran ayaa iyadu sheegtay in hawada dalkeeda ay mari karaan Diyaaradaha isticmaali jiray khadka la mamnuucay ee Ukraine iyo Amsterdam-Kuala Lumpur, sidaana waxa sheegay ku xigeenka dhinaca Hawadda iyo hawlaha duulimaadyada ee dalka Iran  Mr. Ebrahim Shoushtari , wuxuu xusay in ay Ururka Caalamiga ah ee Hawada iyo duulimaadyada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loogu yeedho International Civil Aviation Organization (ICAO), ay ka dalbadeen isticmaalka hawadooda diyaaradaha u kala gooshaya  Woqooyiga Europe iyo Bariga East Asia.
Masuulka u hadlay Dawlada Iran ayaa sheegay in diyaaradaha Air France, British Airways, Lufthansa, Turkish Airlines iyo Russian airline ee hore khadkaa u isticmaali jiray ay rajaynayaan in ay soo maraan hawaddooda oo ah mid ay amaankeeda sugayaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *