Hargeysa(ANN)Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxaa maanta ku geeriyootay magaalada Hargeysa fanaanadii caanka ahayd oo ka mid ahayd hormoodkii hobolada Waaberi Marxuumad Kinsi Xaaji Adem ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa. Waxaana aaska
marxuumadaa ka qaybgalay boqolaal qof oo ka mid ah bulshada magaalada hargeysa, kooxo fanaaniin ah oo ka socday Ciidanka Asluubta, wasaarada dhaqanka iyo Ciyaaraha, dalxiiska iyo warfaafinta.
Marxuumad Kinsi Xaaji Aadem waxay ka mid ahayd xidigaha gabdhaha fanaaniinta Soomaaliyeed iyo waliba tiirarka adag ee laf-dhabarta u ahaa Fanka Soomaaliyeed iyo Suugaanta Soomaaliyeed.
Bilawgii todobaataneeyadii ayey Kinsi Xaaji Aadan ku biirtay fanka, iyadoo markii ugu horeysayna ka mid noqotay Ruwaayadaha ugu badana agtarad ka ahayd kooxdii ciidanka asluubta Soomaliyeed ee la odhan jiray Onkod, isla markaana dadka fanka xiiseeyaa waqtiyada qaar ugu yeedhi jireen faanaanadii codka dahabiga ah lahayd.
Sidoo kalena waxay 1980-kii u wareegtay kooxdii hobolada Waaberi Hargeysa, iyadoo ka qayb qaadatay Rawaayado fara badan oo ka caan baxay gayiga Soomaliyeed, waxaanay noqotayba hormoodkii hobolada Waaberi. Marxuumada taariikhdii ay fanka ku lahayd iyo nolosheedii haddii ay suurta gasho dib ayaanu kasoo gudbin doonaa insha allaah.
Maamulka iyo shebekada Araweelonews waxay iyagoo ka tiiraanyaysan tacsi u dirayaan Qoyskii , Qaraabadii, bahada fanaaniinta iyo bulshada Soomaalida meel walba oo ay joogaan , waxayna Illaahay uga baryayaan inuu jannadii ka waraabiyo Marxuumada Kinsi Xaaji Aadan samir iyo iimaana Illaahay ka siiyo dhamaan bulshada Soomaalida.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com