Muqdisho(ANN)Diyaaradda ay leedahay dawladda Turkiga ee Turkish Airline ayaa ka qaaday magaaladda Muqdisho 36  (soddon iyo lix qof) oo ka mid ah dadkii  ku dhaawacmay qaraxii Salaasadii ka dhacay dhismihii hore ee Hargaha iyo Saamaha oo ay xiligan ku jiraan ilaa sideed wasaaradood oo

 

dawladda taagta daran ee Somalia ah.
Sidoo kale waxa raacay tiradaa dhaawaca oo ahaa kii ugu cuslaa ee waxba lagaga qaban kari waayay, qaar ka mid ah ehelada dadkaa oo u badnaa Arday. Sidoo kale waxa raacay Wasiir ku xigeenka Caafimaadka xukuuumadda taagta daran Macalin Cali oo ka mid ahaa dadkii dhaawacu kasoo gaadhay qaraxaa ayaa sheegay inay Aradayda la qaaday ee dhaawaca hallista ahi yihiin intooda badani Arday, balse ay ku jiraan dad kale oo bulshada ka mid ah, kuwaas oo iyana  ku dhaawacmay qaraxaa.
Waxa iyana raacay dadkaa dhaawaca ah  dhakhtar ka mid ah dhakhaatiirta Muqdisho. Iyadoo dadkaa  dhaawacooda  logu daawayn doono dalka Turkiga, balse ka hor intii aan maanta la saarin diyaarada waxa ku geeriyooday Madaarka mid ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ee loo qorsheeyay diyaarada, kaas oo maydkiisa dib loogu celiyay magaalada.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ayaa u badnaa dhalinyaro ka yar siddeed iyo toban jir, kuwaas oo  ka hor intaanu qaraxu ka dhicin halkaa u yimi wasaaradda waxbarashada si ay u wax uga ogaadaan  natiijada deeq waxbarasho oo loo qorshaynayay inay  ugu baxaan dalka Turkiga.
Raiisal wasaaraha Turkiga ayaa dhawaan booqday Soomaalia wuxuuna u balanqaaday gargaar iyo maalgalin badan inay ka samaynayaan Somalia, isagoo sidoo kalena sheegay inay dawladiisu waxyaabo baddan oo dhinaca adeegyada aasaasiga ah ka qabanayso sida Caafimaadka, waxbarshada iyo Biyaha.
Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Taagta daran Sh. Shariif ayaa sheegay inuu sameeyay gudi loo xilsaaray dadkii qaraxyadaa waxyeeladu kasoo gaadhay, kuwaas oo ay xukuumad ahaan lacag 100 kun oo dollar ugu deeqeen sanduuq bilaw u ah sidii dhaqaalle loogu ururin lahaa.
Kooxda Al-shabaab oo qaraxaa sheegatay ayaa laga cabsi qabaa inay weeraro kale oo khasaare geysta fuliyaan maalmaha soo socda

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *