qaraxa Muqdisho2Muqdisho(Araweelo News Network)Afhayeen u hadlay  ciidanka Booliska Dawlada Federaalka Somalia Col. Maxamed  Cumar Madaale oo lahadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in khasaare xoogan

 

uu dhinacooda kasoo gaadhay weeraradii xalay ka dhacay Huteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booolisku wuxuu qiray in 37 askari ay dhaawacyo halis ah kasoo gaadheen qaraxyadii xalay islamarkaana lagu dilay weerarkaa Taliyaashii Booliska degmooyinka Shangaani iyo Boondheere ee waqooyi Bari magaalada Muqdisho.

“Qaraxa hore khasaare xoogan ma geysan, balse qaraxa dambe ayay askar iyo saraakiil badan ku dhinteen dhammaan dadka waxyeeloobay waxay ka tirsanyihiin dowladda”ayuu yidhi Madaale.

Afhayeenka ayaa qiray in dhammaan dadka dhimashada iyo dhaawaca ku naqday weerarkii Hoteel Jaziira ay dhammaantood ahaayeen dad dowladda katirsan oo ay xildhibaanno ku jiraan.

Dhinaca kale war lagu baahiyay  barta twitter oo ay adeegsato kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarada ay iyagu qaadeen ujeedaduna ahayd in lagu beegsado saraakiil sirdoonka ka mid ah oo ku sugnaa hotelka.

Warkaasi ayaa sidoo kale Al Shabaab ku sheegatay in weerarada ay ku dileen ciidan ka mid ah kuwa dawlada sida ay sheegteen.

Dawlada Muqdisho ayaa sheegtay inay ka hortagtay weeraradan oo Al Shabaab ay ku doonaysan inay ku geysato khasaare nafeed oo aad u fara badan.

Illaa 10 ruux ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen halka 37 kalana ay ku dhaawacmeen labo qarax o baabuur loo adeegsaday oo lala beegsaday baabuur taalay bannaanka hore ee hotelka Jazeera oo waxyar u jira garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa toddobaadkan digniino u jeedisay dadweynaha ku nool Muqdisho inay ka fogaadaan goobaha ay joogaan masuuliyiinta dawlada iyo AMISOM iyagoo ku  goodiyey inay weeraro ku qaadi doonaan.

jaamac132@gmail.com
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *