Berbera(ANN)Markab lagu magacaabo M.V Badr oo yimi wadanka Sucuudiga, isla markaana sida 134 koontiinar, ayaa muddo lix maalmood ah ku xaniban dekedda magaalada Berbera, kadib markii maamulka dekeddu awoodi waayeen inay ka roggaan badeecadda

 

saaran.
Markabka M.V Badr oo dekedda magaalada Berbera ku soo xidhay 25 June 2011, waxa maamulka dekeddu awoodi waayeen inay ka roggaan badeecadaha uu siday, kadib markii ciladi ku timi wiishka markabku xammuulka uu sido iskaga roggo, taasi oo sababtay inuu muddadaas maalmaha markabkaasi ku xanibnaando dekedda.
Maamulka dekedda magaalada Berbera oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si arrintan wax looga weydiiyo ayey suurtogal noqon wayday in aanu khadka telefoonka ku helno, hasayeeshee sida ilo-wareedyo u dhuun daloola dekeddu xaqiijiyeen, waxa maamulka kala duwan ee dekedda Berbera ku guul-daraysteen sidii markabkaasi looga roggi lahaa xamuulka saaran, maadaama aanu markabku awood u lahayn inuu si iskii ah iskaga roggo koontiinarada uu sido, cilad ku timi wiishka uu xamuulka iskaga roggo darteed.
Maaha markii u horraysay ee markab xamuul sida la awoodi waayo in laga roggo, balse bishii April ee sannadkan 2011 ayuu markab dekedda Berbera ku soo xidhay dib ula noqday koontiinaro uu siday, kadib markii ciladi ku timi wiishka uu allaabta iskaga rogi lahaa, isla markaana maamulka dekeddu awoodi waayeen inay markabkaasi ka roggaan koontiinarrada uu dib ugula noqday halka uu markii hore ka soo qaaday, iyada oo meerayaha dekedda Berbera Mr. Axmed Yuusuf Dirir oo xilligaas saxaafaddu wax ka weydiisay sababta keentay in markab dekedda ku soo xidhay uu dib ula noqdo allaabtii uu siday uu ku jawaabay; “Horta markabkaasi in badan baannu ka dacwoonay in aanu dekedda ku soo xidhan, wuxuuna markabkaasi la noqday kontiinaro khalka hoose ku jiray, kadib markii wiishkii uu iskaga roggi lahaa cilad weyni ku timi, isla markaana uu qarxay. Markabkana waxa uu ahaa kuwa qaada koontiinarrada oo iyagaa iska dejiya allaabta, wuxuuna ahaa kuwa u samaysan qaabka loo qaado koontiinarada, isla markaana sita waxa la isaga dejiyo.
Sida ilo-wareedyo Berbera ku sugani Jamhuuriya u xaqiijiyeen, waxa hore maamulka dekeddu u soo iibsadeen wish cusub oo kuwa maraakiibta xamuulka lagaga dejiyo ah, kaasi oo sida la sheegay qiimihiisu ahaa $500, 000 (shan boqol oo kun oo doollar), iyada oo dadka aqoonta u leh alaabooyinka walxaha culus lagu qaado (heavy duty material) ay tilmaameen in tanka culayskiisa ee ku qoran iyo awooda wiishku kala yar tahay, arrintaasi oo sababtay in aannu maraakiibta ka dejin karin xamuulka culus ee koontiinarada waaweyni ka mid yihiin.
Dhinaca kale, Markab kale ee la yidhaahdo M/v Kota ARIF oo ay leedahay Shirkadda Pacific international Line (PIL) oo dekedda Berbera ku soo xidhay 7 June 2011, isla markaana siday 450 koontiinar oo ganacsato reer Somaliland ahi leeyihiin, ayaa ku sigtay inuu gacanta u galo kooxo Budhcad-badeed ah, kadib markii laba laash oo kuwa dheereeya ahi soo weerareen, balse markii markabku mawjado waaweyn ku kiciyey ay isaga hadheen, iyada oo xilligaasi markabku dekedda Berbera u jiray qiyaas dhan ilaa 16 mile, isla markaana ku soo dhawaa xeebta Adhicadeeye oo qiyaastii 12Km u jirta Berbera.
Waxa markale budhcad-badeed isku dayeen in weeraraan Markab kale oo ay leedahay shirkadda (PIL) oo lagu magacaabo M/V KOTA AKBAR oo dekedda Berbera ku soo xidhay 22 June 2011, iyada oo falalkaasna loo aanaynayo dabacsanaan ka timi dhinaca maamulka dekedda Berbera, iyada oo la sheegay in maamulkii hore ee dekedda Berbera ay ciidammada ilaalada xeebaha Somaliland ku taageeri jireen xoggo la xidhiidha dhinaca badda iyo barigaba. Waxaanna sida wararku tibaaxeen xilligaas jiray gaadiid iyo shaqaale qarsoon oo ka mid ah kalluumaysatada iyo dadweynaha xeebaha degan oo xidhiidh dhaw la lahaa maamulkii hore ee dekedda Berbera, iyada oo xilligana la sheegay inay meesha ka baxday xidhiidhkii dadweynaha iyo maamulka cusub ee dekedda Berbera.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa waraysi uu toddobaado ka hor bixiyey ku sheegay in
waxaa jiray gaadiid iyo shaqaale qarsoon oo ka mid kaluumaysatadda iyo dadwayna degen xeebaha oo xidhiidh dhaw la lahaa maamulkii hore dekedda, kadib markii ay ka baxday xidhiidhkii dadweynaha iyo maamulka dekedda Berbera waxay fududaysay in si dhibyar budhcad-badeedu ugu kaluumaysato agagaarka dekedda Berbera.
Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa waraysi uu toddobaado ka hor bixiyey ku sheegay in maraakiib badani joojiyeen isticmaalkii dekedda magaalada Berbera, kadib markii ay ka baqeen afduubyada budhcad-badeedu kula kacaan maraakiibta.
Xigasho Jamhuuriya
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *