Daymada Wargeyska; Madaxweyne Siilaanyo oo Lumiyey Fursad Albaabka ku Garaacday

Hoggaamiye kasta oo dal maamula waxa lagu qiimeeyaa ama sumcaddiisu ku xidhan tahay hadba sida uu uga faa’iidaysto fursadaha siyaasiga ah ee soo mara ama qaabka iyo hannaanka hoggaamiyaha laftiisu u abuuri karo fursad qaali ah oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba faa’iido uga soo

 

hoyan karto waddankiisa iyo bulshadiisaba. Laakiin inta badan ma dhacdo hoggaamiye lumiya jaanis qaali ah oo kadinka uga soo gala, weliba hoggaamiyahaasi hadduu maamulo dal siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba baahan oo adduunka ka raadinaya taageero dhinac walba leh.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maamulaa waddan aan dunida laga aqoonsanayn oo ay ka jiraan baahiyo badan oo dhinacyo kala duwan leh, baahida ugu weyn ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta qabtaana waxa weeye mid siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba, waayo weli ma jiro dal qudha ama hay’ad keli ah oo aqoonsatay mudadda 20-ka sanno ah ee Somaliland jirtay. Mudadaas dheerna waxay Somaliland halgan adag ugu jirtay, isla markaana geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay sidii dunidu u aqoonsan lahayd, laakiin ilaa hadda dedaalkaas iyo dhawaaqyada muwaaddiniinta ka soo yeedha dhegaha ayaa laga furaystay ujeeddo kastaa diidmadaas ha ka dambaysee.
Toddobaadkan lagu jiro waxa madaxweyne Siilaanyo soo martay oo albaabkiisa soo garaacday fursad qaali ah oo sida ay mardambe u soo mari kartaa adagtay, furaddaas oo uu kaga faa’iidaysan lahaa sidii uu u iibin lahaa qaddiyadda aqoonsi-raadinta iyo dib-ul-soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland, nasiib-darrose si kasta oo ay arrintaas u hoos-martayba fursaddaas wuu dayacay, ilaa haddana si dhab ah bulshada oo arrimahaas aad u hadal-haya lagama qancin. Madaxweynaha laftiisu kamuu hadal sababta keentay inuu ka maarmo jaanista mar la arag ah ee afka uga soo galay isaga iyo Somaliland-ba.
Madaxweyne Siilaanyo waxa si rasmi ah loogu martiqaaday xafladii loo sameeyey caleemo-saarka madaxweynaha waddanka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, xafladdaasi oo sidoo kalena lagu casuumay madaxweynahayaal dhiggiisa ah iyo madax badan oo ka socday wadamada Afrika, gaar ahaan dalalka ku yaal mandaqadda Geeska Afrika sida madaxweynaha Suundaan Omar Al-bashiir, Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweyne-ku-xigeenka dalka Yemen Abdoo Rabboo Mansour iyo madax badan oo kale, kuwaasi oo dhammaantoodba isugu yimi magaalada Jabuuti, balse nasiib-darro waxa fursaddaas lumiyey Madaxweyne Siilaanyo oo ka sakaw ka qaybgalka xafladda loo sameeyey Ismaaciil Cumar Geelle, galangal badan u yeelan lahaa madaxda Afrikaan ah ee isugu timi Jabuuti, isaga oo fursadaasna uga faa’iidaysan lahaa inuu qadiyada Somaliland u soo bandhigo, isla markaana uu xidhiidh saaxiibtinimo la samaysto. Arrintaasi oo aan faa’iido mooyee kolleyba Somaliland khasaare kala kulanteen, faa’iidada ugu yarna waxay noqon kari lahayn magaca Madaxweyne Siilaanyo oo madasha laga sheego. Madaama makarafoonka laga xaadiriyey dhammaanba madaxda kala duwan ee ka qaybgalay xafladda, iyada oo markii la sheegay magacyada madaxweynahayasha Suudaan, Soomaaliya, Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, madaxweyne-ku-xigeenka Yemen, balse madaxweyne Siilaanyo ayaan marti-qadka loo fidiyey fulin, waxana goobtaas laga sheegay in weftiga ka socda Somaliland uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, balse waxa aad u qurux badnaan lahayn, isla markaana magac weyn u ahaan lahayd Somaliland, iyadoo uu halkaas fadhiisan lahaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo. Arrintaasi oo fallaadh kulul ku noqon lahayd cadawga Somaliland, gaar ahaan Sheekh Shariif iyo colkiisa.
Waxa kale oo munaasibaddaas ka qaybgalay ku-xgeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Mr. Karl Whcoff, wasiirka iskaashiga Faransiiska Henri de Raincourt, madax badan oo ka socday dalalka caalamka, gaar ahaan qaaradaha Afrika, Yurub, Aasiya, Maraykanka. Waxa kaloo jiray hay’ado iyo urur-goboleedyo lagu martiqaaday xafladda lagu caleemo-saaray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kuwaasoo badankoodu ku yimi martiqaadyo rasmi ah oo dawladda Jabuuti u fidisay.
Waxa madaxweynuhu ka qaybgalka xafladaasi u wakiishay wefti wasiirro ah oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, kaasi oo ku fadhiistay kursigii gaarka ahaa ee loogu talogalay Somaliland oo safka hore yaalay. 
Ceeb iyo khalad ma aha in madaxweynuhu wasiirradiisa u wakiisho xafladaha iyo munaasibadda lagu martiqaado oo waa arrin uu xaq u leeyahay, laakiin munaasibadaha ayaa kala duwan oo waxa jiri kara xaflad ka qaybgalkeedu meeqaam sare ugu fadhiyo Somaliland oo ay khalad siyaasi ah tahay in madaxweynaha oo martiqaad ka haystaa ka baaqdo.
Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah uma uu sheegin sababta uu uga muquurtay ka qaybgalka xafladda Somaliland lagu martiqaaday, balse wasiirkiisa arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa intii aanu u dhoofiyey Jabuuti saxaafadda u sheegay in dawladda Djibouti si rasmi ah Madaxweynaha Somaliland ugu martiqaaday ka qaybgalka xafladda loo sameeyey caleemo-saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isagu ku guulaystay doorashadii madaxtooyadda ee dhawaan ka dhacday waddanka Jabuuti, waxaannu Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar sheegay in madaxweynuhu ka cudurdaartay ka qaybgalka xafladdaas madaxda badan ee dhiggiisa ah isugu timi, arrintaas oo wasiirku xusay in madaxweynuhu cudurdaarkiisa ku saleeyey in maadaama uu dhawaan ka soo laabtay safar dheer oo qaatay 17 maalmood oo uu ku tagay waddamada Kuwait iyo Imaaraadka Carabta aannu xilligan dalka dibadda uga bixi karin.
Waxa kaloo wasiirku sheegay inay jiraan duruufo kale oo aannu magacaabin oo sababay in Madaxweyne Siilaanyo kaga baaqdo ka qaybgalka xafladdaas. Waxayna wararku sheegayaan in sababaha madaxweynuhu xafladaasi uga baaqday ay la xidhiidho diyaargarawga xuska 18 May oo abaabulkeedu dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si weyn uga socdo. Qodobkaasi ma noqon karo cudurdaar madaxweynuhu kaga gabado fursadda uu lumiye. Waayo, qabanqaabada 18 May waxa loo saaray oo maamulaya guddi heer qaran ah, ujeedadda ugu weyn ee xuskaas loo qabanayaana waa sidii beesha caalamka looga dhaadhicin lahaa qadiyadda aqoonsiga Somaliland, sidaa darteed madaxweyne Siilaanyo qudhiisu waxa uu ka qaybgalka xafladda loo sameeyey Ismaaciil Cumara Geelle uga faa’iidaysan lahaa inuu arrimaha Somaliland kala hadlo martidii iyo madaxdii badnayn ee sidiisa oo kale martiqaadka rasmiga ah haystay ee joogay xafladda caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti. Cudur-daarka qudha ee madaxweynaha laga aqbali karayaa waa cudur-daar la xidhiidha xannuun u suurtagelin waayey inuu dalka ka dhoofo. Haddii madaxweynuhu munaasibaddaas uga maqnaaday sababo kale oo uu kelidii ogyahay oo u xun qaranimada Somaliland wuu saxsan yahay ee ummadda ha u soo bandhigo si loola ogaado. Fursadaha qaaliga ahina mar qudha ayey ku soo maraan garo ama ha garane.
Guntiin iyo gabagabadii, Daymadda Wargeysku waa sixid iyo tilmaamane, madaxweyne, waxa bulshadda reer Somaliland kaa sugaysaa inaad jawaab waafi ah oo maskax iyo caqli gal ah ka siiyo sababta aad uga maqnaatay xafladda madaxda badani isku aragtay ee lagugu martiqaaday, haddii kale sheekadda si kale ayaa loo dhigi doonaa oo kugu dhadhan xumaataa. Maxaa yeelay arrintaadu waxay ka dhigan tahay ninkii geela lagu aaminsay ee intuu iska seexday abaydinka u dareeriyey, dabadeedna dugaagu ka dhergay, kaasi oo markii uu geelii xeradda ka waayay saqdii dhexe ku calaalacay ‘Wayeey!!, Ilayn tallo waa mar aad garan weydo iyo mar aad gaadhi weydo.’

Daymada Jamhuuriya

 

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *