Gudida doorashada Madaxweynaha Somalia ayaa caawa ku dhawaaqay inay araajida usoo gudbiyeen 25 musharax oo u tartamaya doorashada madaxweynaha Somalia, kuwaas oo ay sheegeen inay buuxiyeen shuruudihii laga rabay oo ay ka mid ahaayeen qadar
lacageed oo lagu xidhay tartamayaasha iyo weliba in musharax kasta uu soo gudbiyo magacyada 20(labaatan) xildhibaan iyo saxeexooda.
Hase yeeshee dhawaaqa gudida ee liiska musharixiinta 25-ka ah, ayaa soo bandhigay fadeexado mad-madaw oo shaki weyn gelinkara doorashada. kadib markii ay is waafaqi waayeen tirada guud ee xildhibaanada iyo tirada musharixiinta 25-ka ah oo midkii la doonayay 20 xildhibaan, taas oo noqonaysa 500 xildhibaan, iyadoo tirada rasmiga ah mudanayaasha baarlamaanka cusub ahayd 275 marka loo qaybiyo 25 musharax waxa midkii kusoo hagaagaya 11 xildhibaan. sidaa darteed waxay tirooyinka iyo xisaabaha is khilaafsani muujinayaan oo hordhac u yihiin khiyaamo iyo musuq-maasuq durba debeda usoo baxay ka hor inta aan la gaadhin tartanka.
Tirooyinka is khilaafsan oo iftiiminaya inaay gudidu ka hor inta aanay ku dhawaaqin liiska musharixiinta qiimayn tirada mudanayaasha ay musharixiintu ka sitaan saxeexa iyo magacyada kuwa ay yihiin musharx walba labaatanka xildhibaan ee uu magacyadooda sitaa.
si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa durba muujisay fadeexado farta lagu fiiqayay ee ku gadaaman gudida iyo cida maamulaysa hawsha doorashada madaxweynaha Somalia, mana cada inay musharixiintu sidaa ku gelayaan tartanka iyo inay dib u eegi doonaan gudidu, balse arrintan oo soo baxday iyadoo ay jireen dhaliilo farta lagu fiiqayay oo la xidhiidhay habka doorashada iyo gudida maamulay, ayaa walaac weyn iyo wejigabax ku abuuray rajadii awalba naxashka saarnayd ee inta yari ka qabtay dhismaha dawlad Somalia loo sameeyo oo si cadaalad iyo dumuqraadiyad ah ku timaada. Laakiin waxaynu eegi doona qaabka ay ku dhamaato hawsha gudida ee maamulay doorashadu maalmaha soo socda.
Faallo By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
E-mail Jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com