Ethiopian Restaurant  waxa laguugu diyaariyay Cuntooyinka  kala duwan  ee Ethiopian Food, oo dad ku xeel dheer qaabka loo sameeyo Cuntooyinkaasi diyaariyeen, Cuntooyinka halkaa aad ka heli karto waxa ka mid ah Laxooxda (Canjeelo Xabshi) oo ay caan ku tahay Ethiopia, taas oo siyaabo kala duwan loo diyaariyay. Sida Mijat, Debis, Qaywaddi,  Firfir, Baycaynat,  Kifto,  Special  (Dibis cocktail) iyo noocyo kale.


Sidoo kale Ethiopian Restaurant, waxaad ka helaysaa noocayda Coffee. Hadaba Ethiopian Restaurant oo ay kuugu diyaar yihiin shaqaale aad kuu soo dhowaynaya, isla markaana  gamaca furan kugu soo dhowaynaya iyo cunto dacam leh iyo goob nadaafaddeeda  la habeeyay  oo Hablo Soomaali iyo Ethiopian ahi heegan kuugu yihiin waxay  ku taalaa Xaafada Jig-jiga Yare e Magaaladda Hargeysa.


Wadada Hor marta Guuleed Hutel ee dhinaca Maansoor Hutel tagta xafiiska Jig-jiga yar  ee shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL, inta aanad gaadhin waxa dhinaca Midig kaa qabanaya Boodhka Ethiopian Restaurant oo dul sudhan  Berende Lagu qurxiyay Cawsaska loo isticmaalo Aqal Soomaaliga dhaqanka Bulshada ee Miyiga   .

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *