Ethiopian Restaurant waxa laguugu diyaariyay Cuntooyinka kala duwan ee Ethiopian Food, oo dad ku xeel dheer qaabka loo sameeyo Cuntooyinkaasi diyaariyeen, Cuntooyinka halkaa aad ka heli karto waxa ka mid ah Laxooxda (Canjeelo Xabshi) oo ay caan ku tahay Ethiopia, taas oo siyaabo kala duwan loo diyaariyay. Sida Mijat, Debis, Qaywaddi, Firfir, Baycaynat, Kifto, Special (Dibis cocktail) iyo noocyo kale.
Sidoo kale Ethiopian Restaurant, waxaad ka helaysaa noocayda Coffee. Hadaba Ethiopian Restaurant oo ay kuugu diyaar yihiin shaqaale aad kuu soo dhowaynaya, isla markaana gamaca furan kugu soo dhowaynaya iyo cunto dacam leh iyo goob nadaafaddeeda la habeeyay oo Hablo Soomaali iyo Ethiopian ahi heegan kuugu yihiin waxay ku taalaa Xaafada Jig-jiga Yare e Magaaladda Hargeysa.
Wadada Hor marta Guuleed Hutel ee dhinaca Maansoor Hutel tagta xafiiska Jig-jiga yar ee shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL, inta aanad gaadhin waxa dhinaca Midig kaa qabanaya Boodhka Ethiopian Restaurant oo dul sudhan Berende Lagu qurxiyay Cawsaska loo isticmaalo Aqal Soomaaliga dhaqanka Bulshada ee Miyiga .