Hargeysa(Araweelo News Network) Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,  ayaa cambaareeyey taLllaabadii xukuumadda Somaliland  Albaabada ugu xidhay shalay  xaruntii wargeyska madaxbaannaan ee Hubaal oo ahaa Wargeys Madaxbanaan oo

si maalinle ah uga soo baxa Hargeysa.

Tallaabaddaa oo Xisbiga WADDANi ku tilmaamay mid kasoo horjeedda xorriyatul-qawlka iyo  cabiriska rayga xorta ah, isla markaana u muuqata mid xukuumaddu kaga gal-galanay falkii weerarka ahaa ee dhawr bilood ka hor lagu qaaday Xarunta Wargeyska oo ay fulieen Ciidanka Boolisku, taas oo waxyeelo loogu geystay Masuuliyiinta Wargeyska.

Xogyaha dhinaca Saxaafadda ee Xisbiga WADDANI Mr. Maxamed Dirir oo maanta xarunta WADDANI shir jaraa’id ku qabtay ,ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay ku fashilantay wax ka qabashada iyo soo saarista cidii ka dambaysay weerarkii hore ee lagula kacay masuuliyiinta Wargeyska Hubaal oo waqtigan amar Maxkamadeed lagu xayiray.

Mr. Maxamed Dirir wuxuu sheegay in xukuumaddu waqtigii ay mucaaridka ahayd ku ololayn jirtay inay ilaalin doonto xorriyatul-qawlka, taasina u horseeday inay talada dalka ku guulaysato, balse maanta ay cabudhin iyo xad-gudubyo kula kacdo saxaafadda madaxbannaan.

“ Waxaannu u aragnaa xadhigga xafiiska wargeyska Hubaal inay tahay tallaabo ka soo horjeeda  xoriyadda saxaafad, waxaannu leenahay Wargeyska Hubaal wuxuu dhibane u ahaa weerarkii caddaanka ee ay ku qaadeen Ciidankii ninka booliska ah laga qabtay ,markaa iyadoon arrinkii weerarka wax laga qaba, haddana in in la xayiro waa tallaabo xukuumaddu kaga gal-galanay  kiiskaa, waanay ka gaabisay Xukuumaddu inay wax ka qabto isku daygii dilka ahaa ee lagula kacay masuuliyiinta Wargeyska Hubaal ,” ayuu yidhi Xogyaha Saxaafadda xisbiga WADDANI.

Dhinaca kale waxa isa soo taraya canbaarayn caalami ah oo xukuumadda Somaliland lagu dhaleecaynayo talaabadda ay ku qaaday xarunta Wargeyska Hubaal, taas oo xukuumadda uga imanay dublamaasiyiin shisheeye iyo Hay’addo caalami ah, kuwaas oo qaarkood qorshaynayaan inay saacadaha soo socda kasoo saaraan baaqyo lagu canbaaraynayo talaabadaa oo lagu tilmaamay mid aan wafaqsanayn sharciga iyo Dastuurka Somaliland, isla markaana ka hor imanay xoriyatul qawlka iyo nidaamka dumuqraadiayada ee Somaliland ku taamayasay.

Sidoo kale waxa sii kordhaya diidmada dareenka ay Bulshada Somaliland ku diidanyahay talaabada xukuumadda Somaliland ku xayirtay xarunta Wargeyska Hubaal, taas oo ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xayirtay qaraar aan waafaqsanayn nidaamka sharciga iyo hanaanka garsoorka ee dalka, iyadoo aanay jirin  qodob sharci ah oo garsooraha go’aanka xayiraada soo saaray u cuskaday.Balse go’aankiisu u muuqdo oo keliya mid ujeeddo siyaasadeed iyo awood sheegasho ka danbayso.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *