british flagLondon(Araweelo News Network)Ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska Mr. David Cameron ayaa amar ku bixiyey in dawladdiisu baadhitaan

 

ku samayso Ururka Ikhwaanul-muslimiin, kadib markii lala xidhiidhiyey inuu ku lug leeyahay falal xagjirnimo.

Xafiiska Downing Street ee looga taliyo Ingiriiska ayaa war uu saaray ku sheegay in Ra’iisal-wasaare Cameron amray in guddi ka tirsan dawladdiisu dib-u-eegis ku sameeyo mabaadi’da, hawlaha iyo saamaynta ururka Ikhwaanul-muslimiin ku leeyahay danaha qaranka Ingiriiska ee gudaha iyo dibaddaba iyo weliba siyaasadda Boqortooyadiisa ee ku wajahan dhaqdhaqaaqyada ururkan.

“Marka la tixgeliyo walaaca laga muujiyey ururkan ee ah eedaymaha lagula xidhiidhiyey dambiyada xagjirnimada, run ahaantii, waa sax in aannu ogaanno waxa Ikhwaanul-muslimiin u taagan yahay, siday ugu qorshaysan tahay inay ku gaadhaan bartilmaameedyadooda iyo macnaha arrintaasi ee Ingiriiska,” ayaa lagu yidhi qoraalka laga soo saaray xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *