Hargeisa(Araweelo News Network) Duulaanka Maraykanku hormoodka u yahay ee ku waajahan Dalalka Ciraaq iyo Suuriya, gaar ahaan Dagaalyahanka Daacish ee

 

qabsaday inta badan Dalka Ciraaq iyo qaybo ka kid ah Suuriya, ayaa laga cabsiqabaa inuu saamayn ka duwan dagaalkii Ciraaq ku yeesho Gobolka iyo dunida kale.

Dawlada Maraykanka oo bilawday hawlgal dhinaca Cirka lagaga duqaynayo Kooxda Daacish, ayaa sheegtay in ay taageero u heshay duulaankeeda. Sida uu sheegay Xoghayaha arrimaha dibeda ee Mareykanka John Kerry waxa taageeray duulaankaa ilaa 50 waddan, kuwaas oo sida uu sheegay si cad u taageerayaan weerarka cirka ah ee Mareykanka uu hormuudka ka yahay ee lagu qaaday dagaalyahanada Daacish ee ka dagaalamaya qeybo badan oo ka mid ah Suuriya iyo Ciraaq.

Dalalka Maraykanku sheegay in ay ka mid yihiin shan waddan oo Carab ah oo ay ku jiraan Sacuudi Carabia, Qadar iyo Baxrayn, balse dalalka Turkiga iyo Iran ayaa gaashaanka ku dhuftay in ay taageero u muujiyaan weerarka Maraykanka ee Daacish, kaas oo sharciyadiisa ay su’aalo badani ka taagan yihiin.

Maraykanku waxay ku doodayaan in ay sii wadayaan Duqaynta dhinaca Cirka ee Daacish, balse waxa  muuqata in aanay xaaladu sida ay Maraykanku u xisaabtamayaan ahayn, iyadoo kooxda Daacish durba qabsatay deegaamo hor leh, taas oo muujinay in ay awood u leeyihiin in ay u adkatysataan weerar kaga yimaada dhinaca Cirka iyo dhulkaba, waxayna dhaqaale aan la qiyaasi Karin ka helaan meelo badan oo dunida Islaamka ah, iyadoo Dawlada Sucuudigu ka mid ahayd meelaha ugu waaweyn ee ay dhaqaalaha la helayeen ka hor intii aanu Maraykanku kala hadlin khatarta ay ku hayaan gobolka iyo xawliga ay ku soconayaan kooxda Daacish oo indhaha dunida lagu jeediyay dhawrkii bilood u danbeeyay.

Inkasta oo Xoghayaha Arrimaha Maraykanka John Kerry sheegay in dagaalka uu sii socon doono, ilaa hubaal laga dhigo sida uu ku dooday ilaa la waayo meel ay gabaad ka dhigtaan dagaalyahanada Daacish, balse waxa muuqata in aanay xaaladu ahayn sida uu Maraykanku u xisaabtamayo, waxaana jirta cabsi laga qabo in duqaynta dhinaca Cirka ee Maraykanku saamayn ka duwan tii dagaalkii uu hormoodka u ahaa dhawr iyo toban sanadood ka hor ee Ciraaq mid ka xun ku yeelato mandaqada.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *