Ra’iisal wasaaraha Dalka Kenya, Raila  Odinga, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay  laba  wasiir  oo ka tirsan  xukuumadda Somaliland oo safar shaqo u jooga halkaa. xubnaha wefdiga  oo ah  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka

 

Wasaaradda Madaxtooyada, Xirsi Cali X. Xasan, waxa kulankaa Raysal wasaaraha ku weheliyay Safiirka Somaliland ee Kenya Maxamed Jaamac Sifir.
Hase yeeshee kulankaa oo  shalay ka dhacay Nairobi , ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay, kaas oo aan si cad loo ogayn waxyaabaha lagaga wada hadlay, balse xoggo dhinaca dublamaasiyada ah oo laga helay dad ku dhow dhow wefdiga wasiiradda Somaliland, ayaa sheegay inuu kulanku ahaa mid la xidhiidha cilaaqaadka Somaliland iyo Kenya iyo sidoo kale booqasho la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku tago halkaa, iyadoo Wasiirka Madaxtooyadda oo todobaadkii hore ka dhoofay dalka u sheegay saxaafada inuu safarkiisu la xidhiidho gogol xaadh sbooqashada Madaxweyne Siilaanyo ee Nairobi. Laakiin waxa jira tibaaxo kale oo sheegaya in aanay  kulankaas ka madhayn arrimo heshiisyo ganacsi iyo shirkado si gaara u danaynaya Somaliland oo laga leeyahay Kenya, kuwaas oo lala xidhiidhiyay casuumada Raysal wasaaraha Kenya Raila Odniga u fidiyay Madaxweynaha Somaliland, taas oo mar hore dib u dhac ku yimi dabayaaqayadii sanadkii hore, isla markaana booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee Nairobi, ayaa la saadaalinayaa in aanay xiliggan oo Madaxweyne  ku xigeenkii kaga  maqanyahay dalka safar dhinaca Yurub ah aanay suurtagal ahayn.
Dhinaca kale Raysal wasaaraha Kenya Raila Odinga, ayaa la filayay inuu booqasho ku yimaado Somaliland Oct, 2010. Sida uu xiliggaa xaqiijiyay Ilyaas Barre Shiil oo ah u qaybsanaha Raysal wasaaraha Kenya ee arrimaha Somaliland iyo Somalia, kaas oo booqasho ku yimi Somaliland, isla markaana kulamo uu saxaafada Somaliland u qabtay isagoo Hargeysa jooga ku sheegay ujeedada booqashadiisa gogol xaadh safar raysal waasaraha Kenya Raila odinga ku imayo Somaliland balse booqashadaa ayaan weli suurta gelin, waxayna wararka xoggaha dublamaasiyadeed ee la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan in booqashada Madaxweynaha Somaliland oo aan la cayimin xiligeeda, ay daba socoto casuumada Madaxweyne Siilaanyo hore loogu fidiyay ee Kenya oo ka timi Odinga, taas oo uu isna jawaabteeda ku iman doono Somaliland.
Kenya waxay ka mid ahayd dalalkii kasoo qaybaglay dhawr iyo toban bilood ka hor markii uu Madaxweyne Siilaanyo la wareegay talada dalka, waxaana xiliggaa kasoo qaybagalay munaasibada uu xilka kagala wareegayay Madaxweynihii uu kaga guulaystay Doorashadii Madaxtooyadda Daahir Rayaale Kaahin, wefdi gaadhayay 40 xubnood oo uu hogaaminayay gudoomiye xigeenka labaad ee Baarlamaanka Kenya oo ah Siyaasiga ruug cadaaha ah ee Faarax Macalin, taas oo lala xidhiidhanayo inay ahayd furaha casuumada looga baaqay Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana  muujinaysay xidhiidh dublamaasiyadeed oo xukuumadda cusub ee Somaliland iyo Xukuumadda uu raysal wasaaraha ka yahay Raila Odinga ee kanya dhexmaray, taas oo wakiilkiisa arrimaha Soomaalida laba sanao ka hor booqashada ku yimi Hargeysa ay sabab  u ahayd.
Si kastaba ha ahaate  booqashada Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ee Nairobi  iyo wararka sheegaya inuu casuumay Raila Odinga,  ayaa noqonay markii labaad ee ay soo baxaan mudadii uu xilka hayay. Sidoo booqashada Raysal waaraha Kenya Odinga ku imanayo Somaliland ayaa noqonay markii labaad ee la maqlo, balse waxa calaamatu su’aal saarantahay sababha aany u rumoobin booqashooyinka  iyo casuumadaha hogaamiyayaasha labada Dal ee Naribi iyo Hargeysa.

Faallo By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *