Laascaanood(ANN) Ciidanka Qaranka Somaliland ee jiida hore ayaa gacanta ku dhigay Koox Dablay ah  oo looga shakiyay inay ka mid yihiin dagaalyahanka Al-shabaab ee weli baaqiga ku ah deegaamo ka tirsan Koonfurta Somalia. kadib markii

 

ay dhowaan ka baxeen magaalada Kismaayo iyo deegaamo kale, isla markaana qaar ka mid ah saraakiisha iyo dagaalyahanka Al-shabaab la shegay inay u firxadeen dhinaca dalka Yaman iyo buuralayda Sil-silada Golis ee duleedka Boosaaso.

Kooxda Dablayd ah oo maanta lagu qabtay deegaanka Guumays ee duleedka Laascaanood, waxa gacanta ku dhigay ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan fadhiisinkaa, kuwaas sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka oo ka gaabsaday in magacooda la xusaa sheegeen inay ahaayeen Afar nin oo wata gaadhi, kuwaas oo isugu jira sadex Soomaali ah  iyo nin u dhashay dalka Pakistan.

Saraakiisha ayaa sheegay in raggaa la qabtay iyaga iyo gaadhigii ay wateen, isla markaana ay ahaayeen kuwo hubaysan oo dhuumaalaysi doonayay inay ku maraan jiidaa. ka hor intii aanay ciidanku gacanta ku dhigin ee aanay ka war helin markii gaadhiga ay wateen kooxdaasi galay roobab xoog badan oo ka da’ay habeen hore jiidaa, taas oo keeentay inay ciidanku ka war helaan kooxdaa oo ku xaniban deegaanka.

Sida ay wararka la xidhiidha kooxdu sheegayaan, waxa maanta halkaa loo diray ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran la dagaalanka kooxaha loo yaqaan aragagixisada ee RRU , kuwoos ciidanka qaranku maanta ku wareejiyeen afartaa nin iyo gaadhigii ay wateen, isla markaana dhinaca magaalada Hargeysa loo soo kaxeeyay. xukuumada Somaliland ayaan si cad uga hadlin ilaa hada qabashada kooxdaa iyo cida ay yihiin, balse waxa la rumaysanyahay inay suurta gal tahay inay xubnahaasi noqdaan, ama ay ka mid noqdaan rag ka tirsan Al-shabaab iyo Ururweynaha Alqaida oo si weyn loo raadinayay.

Dhinaca kale warar laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya inay kooxda la qabtay wateen hub iyo macdan, isla markaana la rumaysan yahay inuu safarkoodu ahaa mid firxad ah oo ay kaga yimaadeen dhinaca Koonfurta Somalia, isla markaana doonayeen inay usii gudbaan dhinaca Buuralayda Gal-gala ee duleedka Boosaaso oo hoy u ah wakiilka xidhiidhiya Al-shabaabta Somalia iyo Urur weynaha Al-qaida  ee ugxantiisu taal dalka Yaman.  waana markii u horaysay ee jiidaa lagu qabto koox sidan oo kale looga shakiyay inay ka mid yihiin Al-ashabaab, ama Alqaida.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *