http://www.somaliland.org/images/b/2013/10/Dekadda-Berbera.jpgBerbera(Araweelo News Network)Maamulka Dekaddaiyo maamulka kastamka Berbera, ayaa ka hadlay warar sheegayay in shirkaddii baadhista Patroolka ee Genel Macdan

 

ka dhoofisay Dekedda Berbera. Kadib markii warkaa ay baahisay shebekadda Berberanews,.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed  ay  si wada jir ah usoo saareen  Maamulka Dekedda Berbera iyo Kastanka ayaa lagu  beeniyay warkaa, iyagoo sheegay  inaanay waxba ka  jirin wararka  sheegayay in shirkadda shiidaalka ka baadhaysay Somaliland ee Genel Energy  oo dhowaan hakisay hawlihii baadhista ay Kontiinaro  macdan ku soo guratay ka dhoofinayso marsadda Berbera.

War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen caawa maareeyaha Guud ee dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed Iyo Maamulaha kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan, waxay  si waafi ah ugu beeniyeen jiritaanka warkaasi, waxaanu war-saxaafadeedka oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-

“Waxaan halkan jawaab shaafi ah kaga bixinaynaa war aan jirin oo lagu baahiyey qaar ka mid ah wargaysyada iyo websiteyada. Kaas oo sheegay in shirkada shiidaalka sahaminaysa ee Genel Energy, ay dhagaxaan macdan ah container ku soo gurtay, dekedana ka dhoofineyso,hadaba waxaan halkan ku cadaynaynaa in in aanay warkaas waxba ka jirin; wax macdan ah oo dekeda la soo galiyey 1 gram na ha ahaatee aanaay jirin.

Hadaba, waxay shirkada Genel Energy sifo sharci ah ugala soo degtay garoonka diyaaradaha Berbera 27, March,2013 iyo 21,August,2013 alaabta magaceedu yahay geophsical survey eqiupment alaabtaas oo qayb ka mid ah ay codsadeen inay ceshadaan, sifo sharci ahna loogu ogolaaday dib u celinteeda, markii dekeda ay soo galayeena nidaamkii baadhista iyo hubinta la mariyay iyada oo dhamaan haya’ddaha Dekeda, kastamka iyo boolis-kuba ay goob jog ka ahaayeen baadhistaas.

Sidaa darted, waxaan ka xunahay warkan been abuurka ah ee laga baahiyay shirkada wadanka u timid una joogta baadhista iyo soo saarka khayraadka dalka, waxa kale oo aanu ka xunahay been abuurka kale ee lagula dul dhacay hay’adaha dawliga ah ee dekeda, kastamka iyo ciidanka booliska oo u adeega ilaalinta sharci ee dhoofka iyo soo dejinta badeecadaha. Ugu danbayn waxan ka codsanaynaa saxaafada xorta ah baahin wararka noocan oo kale ah.” Ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka ay wadajirka usoo saareen Maamulka Dekeda iyo Kastamka Berebera.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *