Faaqidaada Araweelonews
Maamulka Puntland ayaa maalmihii u danbeeyay kasoo baxayeen dhawaaqyo ay ku sheegayaan in dagaaladii ay kula jireen kooxda wadadaadka Sh. Maxamed Siciid Attam ee deegaanka Gal-gala ka guulaysteen, isla markaana ay firxadkii kooxdaasi u baxday dhinaca Somaliland,
gaar ahaan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.
Hase yeeshee mar kale ayay masuuliyiinta Puntland kasoo baxeen dhawaaqyo kale oo ay ku sheegayaan inay kooxdaa Sh. Attam taageero ka helayeen ciidanka Somaliland ee deegaanka bariga Sanaag, iyagoo si gaara carbka ugu dhiftay magacyo saraakiil ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidanka Somaliland ee Bariga Sanaag, balse kasoo jeeda deegaanka Dhahar ee malayshiyada Sh. Attam kasoo jeedo.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe horaantii todobaadkan, wuxuu ku eedeeyay Somaliland inay taageero milateri u fidinaysay kooxda Attam, isagoo yidhi, “Xubno ka tirsan Somaliland oo Wasiiro iyo saraakil ah, ayaa waxay ka hadleen in Ciidamadooda aanay ka barbar dagaalamin Al-Shabaab,Waxaan cadeynayna in ciidan Somaliland qayb kamid ah oo 70-kamid ah joogeen buuraha Galgala oo ka barbar dagaalamay Maleeshiyaadka Al-Shabaab.”
Xukuumada Somaliland ayaa dhinaceeda beenisay dhawaaqyada masuuliyiinta Puntland, iyadoo wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ku tilmaamay weedhaha Maamulka Puntland kuwo aanay waxba ka jirin, balse mar kale ayay Maamulka Puntland ku celiyeen canbaaraynta ay u jeediyeen Somaliland ee la xidhiidhiyeen inay gacan siiyaan ciidamada Somaliland ee dhinaca Barigu malayshiyada Sh. Maxamed Attam, taas oo keentay inay mar kale jawaab ka bixiso xukuumada Somaliland eedahaa. Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan “Geel Jire” oo ka jawaabayaa eedahaa ayaa yidhi “Anagu Ciidamadayada ayaanu u war haynaa oo cid walba ka og, Ciidamada Somaliland kama qeyb qaataan dagaallo ay ku taageerayaan Argagixisadda, haddii madaxda Puntland ay niman ay garanayaan oo ay isku reer yihiin magacyadooda iska yeedhiyaan. Macnaheedu ma aha in ciidamadii Somaliland ka qeyb galeen dagaal Argagixiso.”
Dhawaaqyada maamulka Puntland ku dhaleeceeyeen ciidamada Somaliland inay gacan siiyeen, ama ka bar-bar dagaalameen malayshida Sh. Attam, waxa ka horeeyay dacaayado ay warbaahinta Puntland ee maamulka Faroolle ku faafiyeen boggaga internetka, kuwaas oo ahaa in hogaamiyihii malayshiyadaa lagu daweeyo isagoo dhaawac ah gudaha Magaalada Badhan, isla markaana firxadkii malayshiyadiisu galeen gudaha Somaliland. Kadib markii ay ku dhowaad 90 ka mid ahaa ku dileen dagaaladii ugu danbeeyay ee Gal-gala. Sidaa awgeed ay Xukuumada Somaliland cusub ka codsanayaan inay gacan ka siiyaan sidii loo qabqaban lahaa firxadka kooxdaa, isagoo xusay inay xukuumadii hore ee Somaliland wada shaqayn jireen, isla markaana xukuumada cusub ka codsanayaan inay u wada shaqeeyaan sidii maamulkii hore.
Xaalada deegaanka Gal-gala ayaa kululaatey oo cirka isku sii shareertay kadib markii ay foodda is dareen , ee ay halkaa ka dhaceen iska hor imaadyo dhiig ku daadtey oo soo jiitamayey tan iyo 2006 dii , markaasi oo maaleeshiyo Beeleedka Ilaalinta Kheyraadka Dabiiciga ah ee daacadda u ah Maxamed Siciid Attom ka hor istaageen deegankooda in laga baadho Macdan , isla markaasna ay isku faro saareen Maleeshiyada Attom ee deegaanka Badhan iyo cutobyo ka tirsan ciidanka Puntland oo horkacaya shirkad laga leeyahey dalka Australiya oo Puntland heshiis kula gashey in dhulkaa macdan ka baadho, taas oo ay dadka deegaanku si weyn uga horyimaadeen.
Kormeerayasha Xaaladda Somaliya ayaa warbixin ay soo saareen bishii hore waxey uga digeen Dowladda Maraykanka in aanay Maamulka puntland kala qeybqaadan arrimaha ka socda deegaanka Gal-gala oo maamulka puntland doonayo inuu uga faa’idaysto waxa loogu yeedho la dagaalanka argagaxisada, balse xaqiiqdu ka duwan tahay sidaa oo ay salka ku hayso arimo dhaqaale iyo tabashooyin siyaasadeed oo u dhexeeya dadka deegaankaa iyo maamulka Puntland.
Dhamaadkii bishii July 2010, ayay mar kale ciidanka Puntland bilaabeen iney foodda is daraan kooxaha daacadda u ah hogaamiye kooxeedka Islaamiga ah ee Sh. Maxamed Siciid Attom, oo saldhigyo kuleh Buuraha fog ee Sanaag Barri ee Duleedka Boosaaso ee waqooyiga Somalia, taas oo keentay inay wiiqanto xasiloonida iyo nabadgeliyada Puntland oo hada u muuqata mid faraha kasii baxysa, isla markaana dadka deegaanka Baar-gaal ee dhinaca xeebta Bari ee Puntland ayaa todobaadkii hore si weyn uga horyimi maamulka Puntland oo ay sheegeen inaanay ka mid ahaanayn oo ay ka bexeen maamulka Farroole, iyagoo ku canbaareeyay cadaalad xumo ay dusha ka saareen maamulka. Sidoo kale dadka deegaanka uu kasoo jeedo Sh. Attam ee Badhan ayaa sameeyay mudaharaadyo ay ku diidan yihiin waxyaabaha ka socda deegaanka Gal-gala iyo sawirka ay masuuliyiinta Puntland ka bixinaayaan xaalada deegankaa ee ay dagaalada ka socda kula xidhiidhinayaan kuwo ku lug leh aragagixisada.
Weedhaha kasoo baxay masuuliyiinta Puntland oo kusoo beegmay xili ay ka jiraan gudaha kacdoono lagu diiyan yahay maamulka Mr. Faroolle ayaa keenay inay rayal caamka bulshada Somaliland is weydiiyaan sababta maamulka Puntland u xidhiidhinayo malayshiyada dagaalagu u dhexeeyaan ee Gal-gala iyo ciidamada Somaliland, taas oo ujeedada nuxurkeedu xanbaarsan yahay siyaasado hor leh, iyadoo ay jiraan astaamo muujinaya ujeedada siyaasadeed ee dhawaaqyada masuuliyiinta Puntland, kuwaas oo loo fasiran karo inay tahay mid la doonayo in sumcada Somaliland oo waqtigan sii koraysa lagu waxyeeleeyo. Kadib markii ay xukuumada Somaliland dhegaha ka furaysatay codsi uga yimi masuuliyiinta Puntland oo ahaa inay deegaanada ay kasoo jeedaan malayshiyada Attam galaan Ciiamada Somaliland. Inkasta oo Maamulka Mr. Faroolle sheegay inay kooxda attam ka dileen ku dhowaad 90 ka mid ah malayshiyada, balse ma jiraan meel ay kusoo bandhigeen guusha uu sheegtay in ciidamadiisu ka gaadheen dagaalka u dhexeeya malayshiyada wadaadka, waxayna warbaahinta gudaha ee puntland qaarkood soo bandhigeen dad shicib ah oo ciidamadiisu ku fuliyeen dil gudaha Magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu eedeeyay inay xidhiidh la lahaayeen malayshiyada Attam.
Si kastba ha ahaatee dhaleecaynta maamulka Puntland ayaa u muuqda mid xanbaarsan siyaasado qarsoon oo ujeedadiisu tahay inay ku jihayso dhinaca Somaliland kacdoonada siyaasadeed ee ka jira gudaha iyo tabashooyinka dadka deegaamada ka imanaya ee ku waajahan siyaasada maamulkiisa. Sidoo kale dhawaaqyada maamulka Puntland iyo eedaha ay usoo saydheen dhinaca Somaliland ayaa u muuqda kuwo la doonayo in lagu carqaladeeyo sumcada Somaliland ee waqtigan soo jiidatay mujtamaca aduunka, taas oo sababtay inay beesha caalamku usoo jeesato dumuqraadiyada, hurumarka iyo nabadgelyada Somaliland.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380