Muqdisho(ANN)Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo la filayay in maanta uu Golihiisa cusub ee Wasiirada horgeeyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa awoodi waayay. kadib markii ay soo baxeen shuruudo ay baarlamaanku ku xidheen

xukuumaddiisa oo sababay in dib loo dhigao.

Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha ayaa kulanka baarlamaanka ka qaybgalay, kuwaas oo aan shaacin sababta sababta dhabta ah ee dib loogu dhigay in golaha wasiirda oo la filayay in la horgeeyo maanta baarlamaanka, balse waxa jira warar laga soo xigtay qaar ka mid ah mudanayaasha oo sheegaya inay jiraan doodo dastuuri ah oo ku saabsan dhameystir la’aanta xukuumadda cusub, iyadoo doodaha qaar sheegayaan  inay xubnaha baarlamaanka qaarkood ku doodayaan in ka hor inta aan la hor keeniin xubnaha xukuumadda lasoo dhamaystiro. sidaa awgeed hal mar lasoo wada gudbiyo wasiiradda iyo ku xigeenada iyo sidoo kale wasiir dawlayaasha oo aan weli la magcaabin.

Doodo badan ayaa ka taagan dhismaha xukuumadda cusub oo ah mid kooban oo toban wasiir oo keliya ah, taas oo noqonay tii ugu tirada yarayd ee laga dhiso somalia,  iyadoo xildhibaanada qaarkood ku doodayaan in aanay sharciga waafaqsayn in la horkeeno baarlamaanka ilaa lasoo dhamaystiro xukuumadda, balse kuwo kale ayaa iyana ku doodaya inay saluugsan yihiin koobnaanta xukuumadda oo ay ku tilmaameen mid aanay ka wada muuqan deegaanada oo qaarkood durba cabasho kala horyimaadeen dhismaha dawlada cusub ee raysal wasaare Saacid.

Xildhibaanada ku doodaya in la dhamaystiro xukuumadda, ayaa qaarkood hunguri weyni kaga jiraa in lagu daro liiska danbe ee wasiir xigeenada iyo wasiir dawlayaasha, ama in la kordhiyo tirada kooban ee wasiiradda xukuumadda oo ah tiradii ugu yarayd ee wasiirro ah, marka loo eego xukuumaddihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya soo mara taariikhda, iyadoo ay ku jiraan golaha wasiiradda laba haween ah oo midkood tahay Raysal wasaare xigeen iyo wasiirka arrimaha debeda Somalia, taas oo noqonay markii ugu horaysay ee jagadaa loo magcaabo haweenay, isla markaana saami sidaa oo kale ah laga siiyo haweenka.

xubnaha Golaha wasiirada cusub ee Somalia oo aan la mudayn xiliga la geynayo baaralamaanka, balse ay jirto cabsi laga qabo inay taageero ka weydo xukuumaddu baarlamaanka ayaa magacyadoodu kala yihiin.

1. Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda

2. Cabdullaahi Abyan Nuur, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta

3. Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga

4. Axmed Maxamuud Xasan, Wasiirka Wasaaradda Qanacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgeshiga

5. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Badda

6. Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

7. Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka

8. Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

9. Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy, Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska

10. Maryan Qaasim, Wasiirka Hormarinta adeega bulshada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *