Hargeysa(ANN)Urur siyaasadeedka UMMADA ee uu hogaaminayay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Waddani oo ka mid ah sadexda Xisbi ee kusoo baxay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka
ka dhacay 28 Nov 2012, munaasibad balaadhan oo lagu soo dhaweeyey masuuliyiinta ururkii Hadhay ee Umadda, ayaa lagu qabtay maanta Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadaa oo ay ka qaybgaleen hogaanka Ururkii hadhay ee UMMADA iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI, waxa ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Geedi oo ka mid ah masuuliyinta xisbiga Waddani, isagoo ka hadlay ujeedada munaasibadaa oo uu sheegay inay tahay mid ay kusoo dhawaynayaan masuuliyiinta ururka Umadda ee maanta ku biiray xisbiga Waddani.
Axmed Kayse Xasan Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta ururka Umadda oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay qodobada ay ku heshiiyeen xisbiga Waddani, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Ka dib markii aanu aragnay mabaadiida aasaasiga ah ee xisbiga Waddani inay tahay mid ku dhisan mucaaridad wax dhista oo danta dalka iyo dadka u taagan.
Markii ay labada dhinac arkeen qodobka 14aad ee sheegaya in ururkii hadhaa uu ku biiri karo xisbiyada soo baxa.
Markii ay arkeen qodobka 22aad faqrada 7aad ee xeerka xisbiga Waddani ee tilmaamaysa in la kordhin karo xubnaha golaha dhexe, golaha fulinta iyo hogaanka xisbigaba.
Markii ay isla afgarteen in qaab dhismeedka xisbiga Waddani laga siiyo saami qaybsigii ay ku qanceen, isla markaana ay labada dhinac wada hadal qoto dheer ka yeesheen midawgooda, Waxay go,aansadeen In ururka Umaddu kusoo biiro xisbiga Waddani, laga bilaabo maanta oo salaasa ah taariikhduna ay tahay 22/01/2013.
Sidaa darteed waxaanu ku war gelinaynaa dadweynaha Somaliland iyo hay’addaha ay khusayso arintani inay sidaa ula socdaan.” ayuu yidhi Axmed Keyse Xasan.
Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee ururka Umadda Cabdirashiid Maxamed Cali oo ka hadlay munaasibadaa ayaa soo dhaweeyey go,aanka ay ku gaadheen inay ku biiraan xisbiga Waddani, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Mar walba waxaanu muhiimada koowaad siinaynaa cida aanu u aragno inay wado danta dalka iyo dadka sidaas darteed waxaanu ku biirnay xisbiga Waddani anaga oo ka duulayna danta dalka iyo dadka, xildhibaanada golaha deegaanka ee ka soo baxay ururka Umadda iyo guud ahaanteenba maanta waxaynu ka mid nahay bahweynta xisbiga Waddani, waxaanu rajaynaynaa inaynu danta dalka iyo dadka iyo horumarka dalka ka wada shaqayno , waxaana u rajaynayaa xisbiga Waddani guul.” ayuu yidhi C/rashiid Maxamed Cali.
Waxa kale oo munaadibadaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee ururka Umadda Qaasim Ibraahin Tubeec, wuxuuna isagoo ka hadlaya sababaha ay ugu biireen xisbiga Waddani, wuxuu yidhi, “anigu kalsooni wayn ayaan ku qabaa xisbigan Waddani, inkasta oo aanan la shaqayn gudoomiyaha xisbiga Waddani laakiin mudadii aan siyaasada ku jiray waxaan la shaqeeyey gudoomiye Maxamed Cabdi Gaboose,ururka Umadda hadii aanu nahay waxaanu idiinla soconaa xisbiga Waddaniyow inaan dhisno dalka, oo aan baaabiino tuugada iyo dhaca, waxaanu idiinla soconaa in nabad galyada Somaliland ay noqoto mid ay caruurta iyo hooyooyinku ku ledaan, nabad galyaduna haddii aanu nidhaa way soo dhaafi wayday guriga madaxtooyada, waa inay mucaaridadu noqotaa mid wax dhista ee aanay noqon mid wax dumisa.”
Cali Maxamed Waran Cade oo isaguna ka mida masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay in xisbigoodu soo dhawayno hogaanka ururka Umadda ee maanta ku soo biiray, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan aad iyo aad u soo dhawaynaynaa madaxda iyo taageerayaasha ururkii awooda badnaa ee Umadda oo aanu maanta ku walaalownay miiskii aanu shalay ku hirdamaynay , isku taga ururada iyo asxaabta waxay saldhig balaadhan u noqonaysaa inay bulshadu ka baxdo qabyaalada, waxay sal dhig u tahay inay tusto inay bulshada Somaliland wax wada leeyihiin, waxaynu caalamka u sheegaynaa in ururadii sida adag u tartamay ay maanta u taagan yihiin danta dalka Somaliland, midawga ururadu waxay saldhig u tahay inaynu samayno mucaaridad adag oo ilaalisa danta dalka iyo dadka iyo inaynu ilaalino ujeedada shacabka Somaliland ee ah inay ku wada noolaadaan sinaan iyo cadaalad, taas oo ka madhan gobolaysi iyo qabyaalad.” ayuu yidhi Warancade.
Cali Warancade wuxuu ku sifeeyay midawga ururka Umadda iyo xisbiga Waddani mid bilaw u ah sidii ay xukunka u qaban lahaayeen ee dalka u gaadhsiin lahaayeen meel wanaagsan.
Geba gebadii munaasibadaa waxa hadalo ka jeediyay Gudoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo sheegay inuu soo dhawaynayo masuuliyiinta ururka Umadda ee maanta ku soo biiray xisbigiisa, wuxuuna isagoo ka hadlaya dareenkiisa yidhi, “Maanta waxay ii tahay maalin farxadeed. Waxaan ku faraxsanahay midowga Xisbiga WADDANI iyo Urur siyaasadeedka UMADDA. Waxaan illaahay uga barayaa inuu barakeeyo midowgaas, oo uu noqda mid dalka iyo dadkaba khayr usoo kordhiya. Xisbiga WADDANI waxa uu qalbi furan iyo gacmo furan kusoo dhaweynayaa Hogaankii, madaxdii iyo taagerayaashii ururka UMADDA.”
Ugu danbayntiina gudoomiyaha Umadda Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo munaasibadan ka hadlay ayaa balan qaaday inuu si hagar la,aan ah ula shaqayn doono masuuliyiinta xisbiga Waddani.