Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa si weyn naqdiyay qaabkii loo maamulay doorashadii golayaasha deegaanka Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay mid laga leexiyay ujeedadii laga lahaa. sidaa darteed aanay

 

aqblayn urur ahaan natiijada doorashadaa.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiska ururkiisu ku leeyahay magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay in ay dimuqraadiyadii Somaliland naxash ku sidaan, balse ay nasiibadaro tahay in madaxweynaha Somaliland guul u haysto guul darrada Somaliland ee ka dhalatay natiijada doorashadaa.

Gudoomiyaha Ururka UMADDA Dr. Gaboose, wuxuu qodobeeyay mugdiga ku jiray qaabka loo maamulay doorashadaa, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Doorashadan mugdiga ugu weyn ee ku gedaaman waxa ugu weynaa marka ugu horeysa shacbiga waxa laga laalay diiwaangelintii, waxayna noqotay doorasho aan la garanayn dadka codaynayaa inta ay le’eg yihiin, waana ta keentay in hal mushar oo  Hargeysa ah codadkiisuku dhowaadaan toban kun oo cod. Sidoo kale mugdigajiray waxa ka mid ahaa  markii la soo dajiyey  waraaqaha lagu codaynayo, kuwaas oo aan cid ogayd jirin waraaqaha la keenay baaxadoodu inta ay le’eg tahay iyo tiradooda.” ayuu yidhi Dr. Gaboose
Sidoo kalena waxa mugdiga doorashada ku gadaanaa ku tilmaamay  shirkadaha la siiyey qandaraaska ee  rarayey waraaqaha, sanaaduuqda iyo gebi ahaan  hawsha komishanka qabanayey oo mad-madaw iyo mugdi badani ku gedaanaa, iyadoo sida uu ku dooday  in la tuhunsan yahay inay meelo gaar ah  lugta la galayaan dhamaan arrimahaa, isla markaana sidii sharcigu ahaa dadku marka ay codeeyaan in sanduuqa goobta lagu tiriyo, ka dibna urur walba la siiyo warqada loo yaqaan natiijada goobta, taas oo oo sida uu sheegay meesha ka saari lahayd in wax muran ah oo dambe aanu goobtaa ka  iman, balse waraaqdaa Komishanku u diideen Ururada oo 7% in ka yar ururada la siiyey, taas oo uu sheegay inay meesha ka saartay inay ogaadaan marka horeba sanduuqa iyo goobta codka ay kaheleen. 

Dr. Gaboose waxa uu ku dheeraaday maamulxumo bilaw ilaa dhamaad ku xeernayd doorashada iyo qaabka loo maamulay, wuxuuna xusay in arrimahaa iyo kuwo kale sababeen fadeexadaha kasoo baxay natiijada doorashada oo ay komishanku markii sanaaduuqda xarumaha la keenay ilaa tiradii ugu danbaysay ku dhawaaqayeen natiijooyin ay keligood ka akhriyayeen waraaqo oo aanay Ururadu waxba kala socon, wuxuuna dhamaan eedahaa iyo kuwo kaleba u xanbaariyay xukuumadda iyo komishanka doorashooyinka qaranka, isagoo ugu baaqay guurtida, wakiilada, waxgaradka iyo aqoonayahanka Somaliland inay soo dhex galaan arrinta dhabaha lagaga leexiyay inay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi.

Guddoomiyaha Ururka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu sheegay inay xukuumaddu si gaar ah ugu qaaday dagaal cadaawad gaar ah, balse aanay Ururkoodu marna ku kacayn wax dhibaato ku keenaya qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, isla  markaana waxa uu sheegay in haddii Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigiisu qorshaynayaan damaashaad ay Urur ahaan iyagu xabaalaha Malka dur-duro ee Hargeysa ku wadaan Naxashka ay saarantahay dumuqraadiyadii Somaliland, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, 

“Haddii Madaxweynuhu guul u haysto guul darrada qaranka, haddiii fariidnimadu noqotay foolxumadii maalintii doorashada, haddii madaxtooyadu isu diyaarinayso damaashaadka iyo dabaal dega Kulmiye, anaguna waxaanu xabaalaha malko dur-duro naxash ugu sidnaa maydka dimuqraadiyada Somaliland, halkaa ragga ku aasan xoriyad ayaa loo laayey maanta dimuqraadiyadu meesha ay aadayso waa maydkeedii, anagu marnaba damiir ahaan kuma qanacsanin kumana qanci karno natiijadan dulmiga ku timi  ee uu komishanku ku dhawaaqay.

Hase yeeshee markaanu xeerinay wax badan,  xogogaal dhab ahna u nahay duruufaha adag ee ku gedaaman dadkayaga ee leh shaqo la’aanta ba’an, tahriibta sixir bararka, musuq-maaasuqa iyo wixii la mid ah, ka dib markaanu la tashanay wax garadka iyo taageerayaasha ururka Umadda, waxaanu go’aansanay inaanu dhawrno shacbigayaga jilicsan.

Anaga oo u tudhayna waxaanu dartood u dugsanaynaa, anaga oo ogsoon in maalmo badan dambeeyaan taariikhduna is qori doonto” ayuu yidhi Dr. Gaboose oo u mahad celiyay taageerayaashiisa, isagoo ugu baaqay inay ilaashadaan  qaranimada, nabadgelyada iyo midnimadooda.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *