Laba maalmood kadib markii ay  guddida doorashada degmada Hargeysa  ku dhawaaqeen natiijada doorashada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa, waxa  bilaabmay mudaharaadyo rabshado watay  oo sababay  dhimasho iyo

 

dhaawac,  kuwaas oo ay ku nafwaayeen dhawr qof oo ka mid ahaa  taageerayaasha Ururka Xaqsoor  oo ka cadhooday natiijada doorashada golaha deegaanka Hargeysa.

Ciidanka Booliska ayaa Mudaharaadayaasha ka baaciyay afaafka hore ee Briishka Hargeysa, waxayna dib ugu celiyeen Degmada Axmed Dhagax oo ay ka kasoo bilaabeen mudaharaadka,  balse guddida doorashooyinka qaranka ayaa rabshadahaa  ka dib sheegay inay hakiyeen natiijada ka soo baxday degmada Hargeysa, iyagoo taa bedelkeeda shaaciyay inay dib ugu noqonayaan tirinta codadka ka soo baxay Degmada Hargeysa.

Intii aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada ee degmada Hargeysa oo ahayd degmadii ugu danbaysay 21 degmo oo ay doorashada golayaasha deegaanku ka dhacday 28 Nov,  2012, waxa jiray cabshooyin ka taagnaa natiijada doorashada degmooyinka qaarkood, balse cabashooyinkaa oo ka imanayay  ururada ku tartamayay doorashada iyo musharixiinta qaarkood ayaa  noqday kuwo aanay wax jawaab ah ka bixin gudida doorashooyinka qaranku.

Hase yeeshee markii uu soo baxay dhawaaqa Gudoomiyaha gudida doorashooyinka qaranka Eng. Ciise Xamari ku shaaciyay inay dib u tirinayaan gebi ahaanba codadka degmada Hargeysa, isla markaana ay hakiyeen natiijadii doorashada, waxa ka dhashay doodo iyo su’aalo  la xidhiidha sababta keentay inay gudida doorashooyinku wax ka yar 48 saacadood ku shaaciyaan inay hakiyaan natiijadii doorashada ee kasoo baxday komishanka degmada, isla markaana ay dib u tirinayaan codadkii ay natiijadooda kusoo saareen magacyada 25 xildhibaan oo noqnaya golaha deegaanka Hargeysa.

Dhawaaqa Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka, ayaa muujiyay debecsanaan iyo maamulxumo marka horeba lala xidhiidhinayay gudida doorashooyinka bilawgii agaasimka hawsha doorashada, taas oo sababtay fadeexado debeda usoo baxday marii ay komishanku ku dhawaaqeen natiijadii doorashada degmada Hargeysa iyo ka horba, kuwaas oo sabab u noqday inay  rayal caamka bulshadu liqiwaayaan  saacado yar ka dib inay soo saaraan dhawaaq ay ku sheegayaan in ay hakiyeen natiijadii dhalisay rabshadaha, isla markaana dib u tirinayaan codadka doorashada degmada Hargeysa, iyagoo komishanku sabab uga dhigay ka noqoshada go’aankooda rabshadihii ka dhashay natiijadaa ee sababay dhimashada iyo dhaawaca, balse gudoomiyaha Ururka Xaqsoor ayaa sheegay in aanay aqbalayn xataa haddii ay komishanku dib u tiriyaan codadka Hargeysa oo ay dalbanayaan in gebi ahaanba dib loo tiriyo codadka gobolada iyo degmooyinka dalka ee doorashadu ka dhacday, taas oo ay hogaamiyaaysha xisbiyada /Ururada iyo xubnaha komishanku isku mari waayeen kulamo ay arrintaa ka yeesheen oo albaabada loo xidhay. 

Balse iyadoo ay weli bulshada ka degi la yihiin go’aamada is burinaya ee kasoo baxay komishanka doorashooyinka doodaha iyo su’aalaha ka dhashay  ee layska weydiinayo waxa ka dhalankara go’aanka danbe ee ay qaateen oo bar madaw ku noqonaya taariikhda doorashooyinka iyo nidaamka geedi-socodka dumquraadiyada Somaliland ee dhawr iyo toban jirsaday, waxay mar kale maanta ku dhawaaqeen inay gebi ahaanba natiijadii doorashada degmada Hargeysa u gudbiyeen Maxkamadda gobolka Hargeysa, iyadoo gudoomiyaha komishanku si cad u sheegay khaladaad la xidhiidhay natiijada ay hore usoo saareen ee ay hakiyeen, taas oo mar kale abuurtay doodo si weyn bulshadu ugu qaadaa dhigay fadeexadaha iyo maamul xumadda komishanka qaranka ee doorashooyinka oo aan si cad uga jawaabin dhacdooyinkii musuq-maasuq iyo maamul xumo ee ku xeernaa hawsha doorashada ilaa bilawgii, kuwaas oo qaarkood soo baxeen markii lagu war helay in degmada Axmed Dhagax laga waayay zerfarka lagu shubayay codadka doorashada, iyadoo aan ilaa hada si cad lo ogayn sida wax u dhaceen, isla markaana aanay jirin cid masuuliyada denbigaa dusha loo saaray oo loo ciqaabay.

Somaliland  hore ayay  uga qabsoomeen doorashooyin gole deegaan, kuwo Baarlamaan iyo doorashooyin madaxtooyo oo dhamaantood sumcad weyn iyo guulo dhinaca xidhiidhka beesha caalamka ah usoo hooyay, balse waxay tani muujisay walaac iyo cabsi ay tiro yar oo bulahsda ka mid ahi farta ku fiiqaysay, kuwaas oo rumaysnaa inay arrimahaa iyo kuwo kale ka dhalan karaan markii la la laalay diiwaangelintii lagu galay doorashadii madaxtooyada oo dhaqaale badan iyo juhdi weyni  kaga  baxay Somaliland iyo beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta geedi socodka nidaamka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka , isla markaana la oggolaaday furitaanka ururada siyaasada oo durba natiijadiisu u jihaysay dalka jiho kale  iyo xaalad deganaasho la’aan ah.

Dad badan ayaa xusuusan in doorashadii Madaxtooyada Somaliland 2003 ay  ahayd tii ugu adkayd ee lagu kala guulaystay, iyadoo mad-madaw ka taagnaa  natiijadeeda  oo ay xiliggaa shaaciyeen komishankii doorashooyinka ee maamulayay hawsha doorashooyinka, kuwaas oo sheegay  in lagu kala guulaystay 80 cod, basle ay hubaal ahayd in haddii ay ku adkaystaan xisbi mucaaradkii uu xiliggaa hogaaminayay Madaxweynaha hada Axmed Siilaanyo ay natiijadaa wax iska bedeli lahaayeen, Balse doorashadii ugu danbaysay ee Madaxtooyada Somaliland 2010, ayaa noqotay mid si weyn indhaha caalamka usoo jiidatay, kadib markii si nabadgelyo ah xukunka loola kala wareegay,  taas oo noqotay mid dhinaca Somaliland iyo qaarada madaw ee afrikaba ka gashay meel fiican, isla markaana sumcad iyo guul weyn oo tusaale ah u noqtay Somaliland.

Laakiin natiijada doorashada ee xiliggan iyo go’aamada is burinaya ee komishanka ayaa u muuqda kuwo salka ku haya siyaasado kale iyo ujeedooyin loo nisbayn karo kuwo la doonayo in lagu manja xaabiyo deganaanshaha iyo qaranimada Somaliland, isla markaana lagu soo afjaro nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland oo tusaale u ahaa dalalka geeska Afrika iyo meelo kale oo dunida ah, iyadoo dhinaca kalena natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee xiligan Somaliland ahayd tijaabadii u danbaysay ee dhinaca geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah, iyadoo natiijadeeda beesha caalamku si weyn u dheg taagaysay, basle bilawgiiba waxa muuqday maamul xumo weyn oo xeeran xarunta komishanka doorashooyinka qaranka, taas oo natiijadeedu ka muuqato dhawaaqyada is burinaya ee komishanka oo bar madaw ku ah taariikhda nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada  iyo qaranimada Somaliland.

Faallo By. Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *