Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , ayaa maanta ka qaybglay munaasibad lagaga dhawaaqay inay Midawga Yurub Somaliland ugu deeqay mashruuc loogu magac daray   “Horumarinta Cilmiga”, kaas  oo la doonayo in lagu

 

tayeeyo heerka waxbarshada Somaliland, isla markaana ay ku baxayso lacag gaadhaysa , sadex iyo toban Milyan, laba Boqol iyo Konton Kun oo lacagta yuurada ah.

Maxadweyne Siilaanyo, waxa uu kulankaa ka sheegay in Somaliland shacab iyo dawladba  ay u mahadcelinayso midowga yurub, maadaama sida uu sheegay ay gacan ka gaystaan dhinaca waxbarashada oo ah furaha horumarka bulsho tiigsanayso, wuxuuna ku dooday in mudadii xukuumaddiisu xilka haysay ay awoodda saartay tayaynta waxbarashada, isla markaana la kordhiyey miisaaniyad sanadeedka waxbarashada, taas oo uu ka dhawaajiyay in lasii wadi doono si loo hagaajiyo mustaqbalka da’yarta Somaliland ee dhinaca waxbarashadda.

Dhinaca kale qoraal kooban oo laga soo saaray xafiiska Hay’adda save The Children ee Magaalada Hargeysa oo kulankaa   laga akhriyey ayaa lagu sheegay in Qorshaha loogu magac daray halku dhega  “Horumarinta Cilmigu” uu yahay mid lagu tiigsanayo helitaanka nidaam waxbarasho oo waara, kaas oo la doonayo inuu ku fido caruurta  Dugsiyada H/Dhexe iyo Dugsiyada sare ee Somaliland, isla markaana qorshaha iyo ujeedada mashruuca fulintiisa si dhow ula shaqayn doonaa Wasaaradda waxbarashada Somaliland, balse ay lagama maarmaan tahay  inta mashruucu soconayo in lagu fuliyo adeegyo waxbarasho oo wax ku ool ah, kuwaas oo ka jawaab cad ka celinaya baahida caruurta Somaliland.

Sidoo kale qorshaha mashruuca, ayaa  lagu sheegay inay ujeedadiisu tahay in a doonayo  sidii loo heli lahaa hanaan midaysan oo is waafaqsan oo waxbarashadda Somaliland yeelato, kaas oo dhaqaalaha ku baxaya la doonayo inuu gaadho baahida aasaasiga ah iyo ujeedada mashruuca ee dhinaca waxbarashada Ardayda dugsiyada Somaliland.

Maaha markii ugu horaysay ee Midawga Yurub ee dalalka bixiya kaalmada dhaqaalle ee dhinaca waxbarashada ay Somaliland ka caawiyaan dhinaca waxbarashada, taas oo ay qirtay Wasiiradda waxbarshada Somaliland oo kulankaa ka sheegtay inay Midawga Yurub mar walba taageero dhaqaale oo hagar la’aan ah la garab taagan yihiin dhinaca waxbarshadda Somaliland haday tahay dhinaca dhaqaalaynta shaqaalaha, farsamada iyo qorshayanta.

Hase yeeshee waxa la rumaysan yahay in dhaqaalaha faraha badan iyo mashaariicda sidan oo kale ah ee u gacan gala hay’addaha la shaqeeya wasaaradda  waxbarshada iyo wasaaraddaha kale ee Somaliland inay ku dhamaadaan natiijo la’aan iyo msuq-maasuq ay saraakiisha maamula Hay’addahaasi kula fal galeen maamulada iyo nidaamyada dawliga ah ee Somaliland, kuwaas oo mashaariicda deeqaha ee dhinacyada adeegyada aasaasiga ah uga faa’idaysto debecsanaanta dhinaca maamulka iyo la xisaabtan la’aanta, isla mrkaana sabab u noqda in aanay ujeedooyinkii laga lahaa mashaariicda iyo adeegyadii loogu talo galay noqon kuwo guulaysta. sidaa awgeed waxa muuqata inaan mashruucani waxba ka bedelayn maamul xumada iyo musuq-maasuqa hore u jiray ee ku xididaystay hay’addaha loo gacan geliyay mashruucaa malaayiinka dolar ah, kaas oo mari doona wadada qaloocan ee ay mareen kumanaan mashruuc oo hore sidan oo kale la doonayay in wax loogu qabto bulshada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *