Nairobi(ANN)Natiijada Doorashada dalka Kenya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo, iyadoo ay tirinta codadka oo weli socda ka hadheen wax yar sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha doorashada, waxa tirada ilaa hada la hayo ku hereeya Musharaxa

 

Uhuru Kenyata ayaa haysta 5, 115, 705 cod, taas oo u dhiganta 49.7 %, halka musharaxa ay sida weyn ugu loolameen doorashada ee Raila Odinga uu haysto 4,513, 223, taas oo u dhiganta 43.9 % tirada codadka la tiriyay ee doorashada.

 

Gudida doorashooyinka ayaa hore u shaaciyay inay maanta oo Jimce ah ku dhawaaqayaan doorashada. kadib markii dib u dhac ku yimi xiligii hore loogu qorsheeyay, taas oo ay ku sababeeyeen qalabka loo adeegsanayay gudbinta natiijada doorashada iyo Zervarka oo xumaaday, isla markaana ay go’aansadeen in dib loo bilaabo tirinta codadka oo gacanta lagu tiriyo.

Hase yeeshee waxa jira walaac weyn oo ka taagan soo jeedin siyaasiyiin u dhashay dalka Kenya oo kula taliyay in aan natiijada lagu dhawaaqin ilaa ay gudidu la kulmaan musharaxiinta ku loolamaya doorashada, iyadoo laga cabsi qabo in natiijada doorashadu horseedo qalalaase hadheeya Kenya.

 

 

Ambassador Yusuf Nzibo ayaa sheegay in guddiga doorashadu uu ka fikirayo diidmada ay soo gudbiyeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan xisbiyada siyaasadda ee ku aadan siideynta natiijooyinka doorashadii Isniintii dhacday.

Taageerayaasha laba musharrax ee ugu horreeyey dhinaca tirinta codadka ayaa walaac ka muujiyay doorashada.

Nzibo wuxuu sheegay inay u ogolaadeen xisbiyadda inay eegaan natiijooyinka nusu-saac ka hor intaysan ku dhawaaqin, haddii ay diidan yihiina ay qoraal u qori karaa guddoomiyaha oo isagu ah sarkaal ugu sarreeya doorashada madaxtinimada.

Qaar ka tirsan xisbiyada ayaa dalbaday in dib loo dhigo shaacinta natiijooyinka doorashada si ay wakiiladoodu u eegaan natiijada, balse Yusuf Nzibo wuxuu ka hor-yimid dalabkaasi, isagoo sheegay inuu yahay mid aan dastuuri ahayn.

Nzibo wuxuu sheegay in guddigu uu aad ugu dedaallayo sidii uu ugu dhawaaqi lahaa natiijooyinka si ay u khafiifiyaan xiisadaha jira.

 

Dhinaca kale wadamada reer galbeedka ayaa walaac weyn ka qaba haddii ay natiijada doorashada Kenya noqoto inuu guulaysto Uhuru Kenyaata oo ku horeeyay weli codadka ilaa hada la tiriyay, waxayna ku tilmaameen guusha Uhuru inay Kenya mugdi ka gelinay xidhiidhka beesha caalamka iyo mustaqbalka dalkaa, balse Uhuru ayaa oo ka dareen qaba arrimahaa ayaa hore u canbaareeyay wadamo ay ugu horayso Britain, isagoo ku eedeeyay inay fara gelin ku hayaan doorashada, isla markaana doonayaan inay maamulaan Komishanka doorashooyinka si natiijada loo weeciyo.

Uhuru waxa kale oo uu Britain ku eedeeyay ciidamo uu sheegay inay dalka soo gelisay maalintii doorashada, balse afhayeen u hadlay xafiiska arrimaha debeda Britain ayaa ku tilmaamay eedahaa kuwo aan waxba ka jirin, isagoo ciidamada Britain ee ku sugan Kenya ku sheegay kuwo sanad ka hor doorashada yimi oo tababar siinayay ciidan loo tababarayo dalka Kenya, isla markaana ay ku yimaadeen ogolaanshada dawlada Kenya.

Sidoo kale waxa dad badan ka walaacsan yihiin sababta ay Maxkamadda denbiyada dagaalka ee Hague ugu mudaysay mar kale inuu Uhuru Kenyata maxkamadda horteeda tago July 9, 2013, iyadoo ay tagan tahay calaaamatu su’aal saaran haddii Uhuru ku guulaysto doorashada sida ay suurta gal noqonay inuu hor tago.

Uhuru Kenyaata iyo siyaasiyiin kale oo u dhashay Kenya waxa lagu eedaynayaa xasuuq iyo tacadiyo ka dhashay doorashadii 2007, taas oo natiijadeeda oo muran ka dhashay ay ku naf waayeen kumaan qof oo reer Kenya ah.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *