1Hargeysa(ANN)Dab ka kacay maanta Xaafada isku raranta ee State House oo ku taal duleedka Shacabka magaalada Hargeysa ee dhinaca galbeedka ayaa sababay inay shuf beelaan in ka badan 70 guri oo ay deganaayeen qoysas danyar ah, guryahaa oo isugu jiray

 

Buulalka loo yaqaan Beebeeyada, Sandaqado, Aqal Soomliyo iyo hal Guri oo dhisme dhagax ahaa.

 

Ma jiro khasaare nafeed oo uu geystay dabkaasi ilaa inta la ogyahay, balse waxa uu sababay inay in ka badan lixdan qoys oo danyar ah ku waayaan Hoy iyo wixii ay haysteen. Gaadiidka dab-damiska ayaa xili danbe goobta gaadhay, iyadoo ay adagtahay in dabka ka kaca xaafadaa la baqtiiyo, maadaama aanay jirin meel ay maraan gaadiidku oo aanay buulasha iyo aqal soomaaliyada ka dhisani lahayn wado gurmad looga samayn karo, balse waxa lagu guulaystay goor danbe in la baqtiiyo dabkaa si aanu ugu gudbin boqolaal guri oo yar yar oo ku yaal xaafadaa, kuwaas oo is dulsaaran.

11
Maayar ku xigeenka Hargeysa, isla markaana ah ku simaha Maayarka Caasimada C/casiis Cagaweyne iyo xildhibaano la socday ayaa goobta gaadhay xili danbe, waxayna sheegeen inay doonayaan inay ogaadaan tirada qoysaska dhabta ah ee  dabku khasaaraha gaadhsiiyay.
Xaafadan ayaa marar badan oo hore sidan oo kale dab ka kacay, isla markaana khasaare u gaadhsiiyay dadka danyarta ah ee degan xaafadaa.12

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *